Madaxweynaha Ruushka Oo Joojiyey Safar Uu Ku Tegi Lahaa Faransiiska

0
60

putin

Moscow:(Hubaal)-Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa baajiyay safar si weyn loo sugayay islamarkaana in mudo ah la dhowrayay kaas oo uu ku tegi lahaa caasimadda dalka Fransiiska ee Paris.

Safarkan booqashada ah oo dhici lahaa 19. oktober ayuu madaxweyne Putin uu baajiyay kaddib markii uu madaxweynaha dalka Fransiisku François Hollande uu sheegay in Ruushku loo baahan yahay in uu wajoho baaritaan caalami ah oo ku aadan xadgudubyada uu ka geysto dalkaasi Suuriya.

Afhayeen u hadlay madaxtooyada Moscow oo lagu magacaabo Dmitrij Peskov ayaa sheegay in madaxweyne Putin uu Paris tegi doono “marka uu nafis dareemo” madaxweyne Hollande.

Putin ayaa safarkiisa u weeciyay dhankaas iyo dalka Jarmalka halkaas oo uu kula kulmi doono hoggaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel iyo kan Fransiiska François Hollande halkaas oo ay uga wadahadli doonaan arrinta dalka Ukrain.  Baajinta kulankan dhex mari lahaa labada madaxweyne ayaa yimid maalin kaddib markii madaxweynaha Fransiisku uu wareysi ka baxay taleefishin uu ku sheegay in uu ka shakisan yahay qaabilidda iyo la kulanka madaxweyne Putin sababo la xiriira siyaasaddiisa Suuriya.

Si kastaba madaxweyne Putin ayaa dhiigga ku kariyay Mareykanka iyo xulufadiisa marka ay noqoto arrinta Suuriya, waxaana kooxaha mucaaradka ee ay taageerayaan ay gudaha Suuriya ka sameyn la`yihiin horumar sidaasna uu dagaalka Suuriya u daba dheeraaday uuna socdo mudo shan sano ka badan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here