Warbaahinta Fana Ay Qortay Hadal Ay Sheegtay Inuu Muuse Biixi yidhi, kaas oo uu Ku Taageeray Ololaha Dawladda Itoobiya Ka Wado Waqooyiga Dalkaas
Hargeysa (Hubaal) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi, ayaa lasoo tabiyay inuu taageero u muujiyay dowladda Itoobiya ee dagaalka kula jirta xoogagga fallaagada ah ee TPLF, sida ay sheegtay Warbaahinta Fana ee ku hadashada afka dawladda. “Waxaan garab taagan nahay ololaha badbaadada ah ee ay dawladda Itoobiya ka waddo waqooyiga dalkaas,” Fana ayaa soo xigatay hadalkaas oo ay sheegtay inuu yidhi madaxweyne Biixi.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sida lagu soo warramay hadalkan ka sheegay kulan uu xafiiskiisa kula yeeshay madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cagjar 28-kii bishan ee Axadii shalay.
Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay sida loo ballaadhin karo xidhiidhka ganacsi iyo midka dhaqaale ee u dhaxeeya labada dhinac.