Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Curashada Sanadka Cusub Ee Islaamiga Ah Iyo Guddoomiyaha Hay’adaha Shaqaalaha Oo Farriin U Diray shacbiga

0
121

Hargeysa(Hubaall)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed MAxamuud (Siilaanyo) ayaa Shacbiga Somaliland iyo guud ahaanba ummadaha Muslimka ah u diray hambalyo iyo bogaadin la xidhiidha curashada sanadka cusub ee islaamiga ah ee 1437-ka oo maanta dunida islaamka looga dabaal degayo. War qoraal ah oo laga soo saaray aqalka madaxtooyada somalialnd ayaa Madaxweynuhu kaga hadlay curashada sanadka cusub ee islaamka, waxaanu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo isaga oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacbiga Somaliland waxa uu Munaasibadda Sannadka Cusub ee Islaamka 1437 (Hijiriyada) awgii oo ku beegan Beri Arbacada taariikhda milaadiguna tahay 14.10.2015 uu Hambalyo, Bogaadin iyo ducaba u dirayaa Guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaanba.   Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Hambalyo taas la mid ah u dirayaa Wadamada Islaamka iyo shacbiga Muslimiinta ah ee ku nool dunida dacaladeeda kala duwan oo uu leeyahay sanad wanaagsan oo wacan.  Madaxweynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa in uu Shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sanadkan Sanadkiisa ku gaadhsiiyo Bash-bash, Baadhaadhe iyo Barwaaqo, inta Buktana uu ka Dulqaado Xanuunka, inta Caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo. Ugu dambayna waxa uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland ugu Baaqay in ay Nabad-gelyada iyo Qarannimada dalka u soo wada jeedaan oo ay indho dheeraada u yeeshaan cadawgeena, sidii ay hore-ba ugu soo jeedeen si aynu u gaadhno himiladeena qaranimo.Aamiin Aamiin Aamiin, Wa Kullu Caam Wa Antum Bikhayr”. Ayaa madaxweynuhu qoraalkiisa ku yidhi. Dhinaca kale  Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland ayaa shaqaalaha dawladda la socodsiiyay inay maanta oo Arbaca Ah Ay   fasax ka yihiin shaqooyinka dawladda, islamarkaana ay maalinta Khamiista dib ugu noqonayaan shaqooyinkooda.  happy islam new yearGuddoomiyaha ayaa munaasibadda curashada sanadka Islaamka darteed fasax siiyay shaqaalaha “Waxaan la socodsiinayaa in berry [maanta] shaqaalaha dawladdu fasax yihiin, oo maalinta Khamiista shaqada dib loogu noqonayo munaasibadda curashada sanadka cusub ee Islaamka ee 1437. Dhammaana shaqaalaha dawladdu waa fasax ee sidaas ha la ogaado,” ayuu yidhi Guddoomiye Mixille.   Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Somaliland iyo qoyskiisa,  madaxweyne xigeenka iyo qoyskiisa iyo sidoo kale dhammaan shaqaalaha dawladda iyo qoysaskooda, isagoo sanadka sanadkii samaan iyo horumar u rajeeyay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here