Madaxweynuhu Waxaa Uu Wasiir Cukuse Iyo Shacbiga Somaliland Ka Tacsiyeeyey Geerida Marxuumkan
Hargeysa (Hubaal)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo magaca shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Oday MARXUUM-C/SAMAD AXMED ISMAACIIL oo 11/10/2015 ku geeriyooday Magaaladda Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah uga tacsiyadeeyay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir, oo uu Marxuumku abti u ahaa. Madaxweynaha Somaliland waxa uu Marxuumka ku sifeeyay inuu ahaa Muwaadin kaalin weyn ka soo qaatay nabadeyntii dalka, dhismaha dawladnimadda Somaliland, isla markaana si gaar ah uga shaqeyn jiray arrimaha samo-falka bulshadda. Waxaanu ahaa qofkii u horeeyay ee ceel riig ah ka qoday Somaliland xilligii Ingiriiska. Madaxweynuhu waxa uu Marxuum-ka ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.