Madaxweynaha Somaliland Oo Lagu Soo Dhaweeyay Imaaraadka Iyo Kulan Uu La Yeelanayo Amiirka Dalkaasi

0
37

Dubai (Hubaal) – Madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii   uu hoggaaminaayey ee u safray Imaaraadka Carabta ayaa qadar saacado ah ku sii Magaalada  Addis-ababa ee dalka Ethiopia shalay oo ay sii mareen, waxaana  halkaasi Madaxweynaha iyo weftigiisa lagaga qaaday diyaarad khaasa oo  uu u soo diray Boqorka Imaaraadka carabtu, taasi oo geysay dalka Imaaraadka.

siilaanyo oo Imaaraadla lagu soo dhaweeyayWeftiga Madaxweynaha oo marti-qaad rasmi ah ku tagey dalka Imaaraadka Carabta ayaa markii ay  halkaasi gaadheen waxa si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha iyadoo ay kaga horyimaaddeen Masuuliyiin tiro badan oo ay ka mid ahaayeen Madaxa hay’adda Khaliifa foundation, Maxamed Alxaaji Alkhuuri iyo madax sarsare oo kale oo ka mid ah dawladda dalkaasi.

Markaasi ka dib, ayaa Madaxwaynaha Somaliland iyo weftigiisa loo galbiyey halka loogu talo-galay in la dejiyo, waxaana lagu qaadey gaadiidka loogu talo-galay Madaxweynayaasha, waxaana galbiyey ciidamo iyo Mootooyinka Baratakoolka, kuwaasi oo sidoo kale ka qayb-qaadanayey sugidda amniga weftiga Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigiisa ayaa la filayaa in muddada ay halkaasi ku sugan yihiin inay la kulmaan boqorta dalka Imaaraadka iyo Madaxda hay’adaha ay ka mid  tahay Khaliifa Foundation oo Somaliland ka wada Mashaariicda badan,  kuwaasi oo ay ka mid yihiin Mashruuca biyo ballaadhinta Hargeysa ee Xumbo-weyne.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here