Hargeya (Hubaal) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-156/072018, ku magacaabay Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Xeerka Komishanka Xuquuqul Aadamah, Xeer Lr. 39/2010;
Markaan Helay: Qoraalka Guddida Xulista Xubnaha Komishanka Xuquuqul Aadamaha;
Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda Komishanka Xuquuqul Aadamuhu u leedahay Dhismaha, Sumcaddda iyo Horumarka Qaranka;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan u magacaabo xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin in ay noqdaan Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka:
Tir. Magaca Xilka
- Maxamed Baaruud Cali Xubin
- Rooda Axmed Yaasiin Xubin
- Muuse Cismaan Warsame Xubin
- Saleebaan Warsame Guuleed Xubin
- Waris Abshir Xaaji Diiriye Xubin
- Cumar Maxamuud Xuseen Xubin
- Cabdirashiid Siciid Cindi Xubin
Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland, waxa magacaabay In Mudane, Sacad Cabdi Cabdilaahi Riiraash, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.