Khudbadii Madaxweyne Siilaanyo Ka Jeediyay Sannad-guuradda 22-aad Ee Aasaaska Ciidanka Booliska
Hargeysa(Hubaal)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa nidar ku maray inaanay cidna ka yeeli doonin inay nabad-gelyadda dalka wax u dhinto, waxase uu tilmaamay in siyaasadda la isku khilaafi karo. Madaxweynuhu waxa uu sidaasi ka sheegay xaflad loogu dabaal degayay sannad guuradda 22-aad ee aasaaska ciidanka Booliska Somaliland. Waxa Xafladan waxa ka qeyb-galay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Guddoomiyaha maxkamadda sare, Guddoomiyaha KULMIYE, Wasiirka Cadaallada, Wasiirka madaxtooyadda, Wasiir Ku-xigeenka Gaashaan-dhiga iyo Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee Somaliland. Waxa kale oo xafladan job joog ka ahaa saraakiil ka socday dawladda Itoobiya iyo dublamaasiyiin ka tirsan safaaradooda Somaliland iyo Ha’yadaha caalamiga ah ee taageera ciidanka Booliska.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay xafladaasi waxa uu yidhi “Farxad weyn bayn ii tahay inaan maanta ka soo qeyb galo Munaasibada Sannad guurada 22-aad ee aas-aaska Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland, ciidanka booliska Somaliland waa waxay ku fadhido nabadgelyada dalka iyo dadku uu ku faano. waxaan mahad weyn u celinayaa Ciidankaa heer kastuu yahay dadka haddii aan la kala celin oo la ilaalin oo sharciga la ilaalin oo cid ilaalisa loo samayn wax badan baa laysku qabsanayaa wax badan baa innaga fakanaya. Dal Dimuqraadi ah baynu nahay, dad wada jira baynu nahay Siyaasadda waa layskaga hor imanayaa, dano ayaa la kala leeyahay qaab kala duwan baa wax loo arkaa. laakiin farsamo iyo cilmi iyo aqoon iyo nidaam baa lagu kala baxaa wixii nidaamkaa ka baxsan ee nabadgelyada wax yeelaya cid laga yeelayaa ma jirto Booliskuna wuxuu u samaysan yahay inuu nabad gelyada ilaaliyo cid kastaba ha noqotee.” “Markaa waxaan leeyaahay dadka qaarkood waa laysku qabsanayaa waa layska hor imanayaa, laakiin cidna ka yeeli mayno cidna laga aqbali maayo intaynu ciidankeenaa booliska iyo ciidamada kale nabad gelyada ilaaliya aynu haysano in cidina wax yeesho oo ummaddaa iyo dadkaa nabadgelyada iyo xasiloonida haysta ay ku ciyaarto nabadgelyadaa iyo xasiloonidaa aynu leenahay. waxaan leeyahay aad iyo aad baan ugu bogaadinayaa ciidamada booliska madaxdiisa, masuuliyiintiisa iyo mijihiisaba sida fiican ee qaranimada leh ee hawshaa, xilkaa loo igmaday ay u ilaaliyaan, waxaan leeyahay hambalyo aad iyo aad u balaadhan baan u soo jeedinayaa Ciidanka Booliska, ubadkooda iyo xaasaskoodaba aad iyo aadna waad u mahadsan tihiin.”