Madaxweynaha Somaliland oo Tacsi ka Diray Dhalinyaro reer Somaliland ah Oo ku geeriyooday Shil Sucuudiga ka Dhacay

0
19

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Silaanyo), ayaa dhambaal tacsi ah u diray, Qoysaskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaaya madaxweynuhu shilkii naxdinta lahaa ee ka dhacay Sucuudi Arabiya gaar ahaan qaybta la yidhaahdo Tugba oo uu Guri ku gubtay dhalinyaro reer Somaliland ah, kuna geeriyoodeen 5 Ruux halka ay ku dhaawacmeen 4 ruux oo kale

Dhambaalka tacsida ah oo uu ku saxiixan yahay Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL. Nuqul ka mid ahna soo gaadhay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa u dhignaa sidan:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Silaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa, Qoysaskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaaya madaxweynuhu shilkii naxdinta lahaa ee ka dhacay Sucuudi Arabiya gaar ahaan qaybta la yidhaahdo Tugba oo uu Guri ku gubtay dhalinyaro reer Somaliland ah, kuna geeriyoodeen 5 Ruux halka ay ku dhaawacmeen 4 ruux oo kale 21/11/2014 laguna aasay jimcihii sucuudi arabiya.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumiintaasi ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Dhammaan Qoysaskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena Samir iyo Imaan ka siiyo.

 Inta Dhaawaca ahna waxa uu madaxweynuhu Alle uga baryayaa inuu caafimaad sareecana siiyo.

 madaxweyne siilaanyo

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here