Madaxweynaha Somaliland Oo U Dhow Inuu Noqdo Hogaamiyihii AFRIKA Loo Raadinayay In ka Badan Nus Qarni

0
10

Sannad ayaa ka hadhsan  dhamaadka muddoxileedka madaxweynaha  Somaliland M.D Muuse Biixi Cabdi Waxana sida qorshaysan dhici doonta dabayaaqada sanadka 2022  doorashadii  madaxweynaha  oo samaynteedu koobi doonto qaarada Afrika, iyo dalalka reer galbeedka, kana dhigi doonta madaxweynaha Somaliland hogaamiyihii qaarad Afrika loo raadinayay in ka -badan nus qarni.

Dalalka reer galbeedka ee dumuqraadiyadda  dunida u waarida, ayaa tobaannaan sano ku hawllanaa, in qaaradda Afrika loo helo hoggaamiye hirgaliya nidaam-xukunka  dimuqraaddiyadda  ku dhisan si uu qaraada inteeda kale ugu noqdo  tusaale lagu daydo ama loogu tilmaamo in ay ku daydaan. Diyaarinta hoggaamiyahan ayaa markasta fashilanta; waxaana caado noqotay  in hoggaamiye kasta oo hirgaliya nidaam  dimuqraadiyada loo eekaysiiyay muddana maal-galin iyo tageero kaga hela  reer galbeedka uu qaawismo marka ay timaaddo, maalinta xaqiiqda oo ah marka uu dhamaado muddo xileedkiisa labaad, halka uu doorasho aanu qayb ka ahayn qaban lahaa ayaa la arkaa  isagoo dastuurka badalaya, dumuqraadiyada  ka kufrinaya, dalka Shiine u gacan galinaya waxana uu la soo baxaa kali-talisnimo dimuqraadiyad  been abuur ahi dusha ka saarnayd .

Wargeyska Le Monde  ee dalka faransiiska kasoo baxa, ayaa muddo aan fogayn arrinkan tilmaamay, isagoo ka faalloonaya  xaaladda dalka Itoobiya. waxaanu yidhi   (ma ahan markii u horraysay  oo reer galbeedku la dhaco dushana ku qaato hoggaamiye  loo arko in uu yahay rejada qaarada Afrika laakiin ma dheeraato in hoggaamiyahani  isku rogo kali taliye waxaa se  yaab leh sida dhakhsaha ah  ee ra’salwasaaraha Itoobiya isku beddalay  iyada oo sannadkii 2019 la guddoonsiiyay abaal- marinta nabada). Dawladnimada dimuqraadiyadda ku dhisan waxa udub -dheexaad u ah haayado dastuuri ah oo kala madax bannan, isna ilaaliya. In haayadda fulintu {xukuumada } cadisho ama macna tirto haayadaha  kale. Sida golayaasha wakiillada  iyo kuwa deegaanka.  Waa nooc kamid ah 160 nooc oo kali –talisnimadu leedahay , waa midka curyaamiyay qaarada Afrika. Waana halkan, halka uu tilmaayay madax weynihii hore ee Maraykanka  Obama markii uu sandkii   2009kii madaxda Afrika kula  hadlayay magaalada Akra ee dalka Ghana  isaga oo idhi:-

(Afrika uma baahna madaxweyne awood badan  ee waxay u baahan tahay haayado awood leh)

12  sano ka dib,   hadalkii Obama, waxa Somaliland ka dhacday doorasho ay ku soo baxeen  gole wakiillo iyo golayaal deegaan  oo cusub,   kuna shaqayanaya awooddooda dastuuriga ah  kana madax  bannaan doonista iyo faro galinta madaxtooyada, si ka duwan dalaka Afrika na ay  mucaaridku maamulaan . Doorashada  madaxtooyada ee soo socota waxay dhamays tiri doontaa guusha Somaliland  kalida ku tahay. Dadka xidhan muraayadda qabiilka ee meel dhaw wax loo arko waa in ay arkaan guushan. Sidoo  kalena waa inay fahmaan in Somaliland iyo madax weynaha taariikhi  u qormayso. Guushani waxay ku dhamays tirmidoontaa in doorashada madaxtooyada xilligeedii la qabto ka horna doorashada guurtida la qabto.

In hal sano afar doorasho dhamaystirmaan, waxa ay ka dhigantahay in Soomaalilaand gashay naadiga dawladaha distoorku sarreeyo, kana madax bannaan damaca qof ama koox. Waxa muhiim ah, in la fahmo in sixidda iyo horumarinta nidaamka dawladnimadu ka muhiimsanyahay, horumarinta magaalooyinka, maalmo ka dib u duma nidaam la khalday.

Waxa Qorey: Khadar Jicsin Nuux

Khadar Jicsin Nuux

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here