Jigjiga (Hubaal/Cakaaranews)- Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Md. Cabdi Maxamuud Cumar Ayaa Shalay Qaab ku cusub saaxadda maamulka u magacaabay mas’uuliyiin cusub oo dawlad deegaankiisa uu ku soo kordhiyey. Degelka faafiya wararka dawliga ah ee DDSI ee Cakaarnews.com ayaa lagu baahiyey kulan uu shalay madaxweynuhu la qaatay masuuliyiin laga soo xulay degmooyinka deegaanka kuwaas oo si bakhtiyaa nasiib ah uu u magacaabay. Warka kulankan oo HUBAAL ay kasoo xigatay degelka Cakaara waxaa uu u dhignaa sidan: “ Waxaa saaka [shalay] hoolka shirarka muhiimka ah ee xarunta madaxtooyada bakhtiyaa-nasiib kuqaatay hormuudkii hogaaminta degmooyinka loo soo xulay oo kakooban 34 xubnood . Kuwaas oo noqonaya gudoomiyeyaasha degmooyinka cusub iyo qaar kamid ah degmooyinkii hore. Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo hogaamintan ugu duceeyay in xilka ilaahay ku asturo ayaa kula dardaarmay inay iska ilaaliyaan musuqa, eexda iyo nin-jeclaysiga islamarkaana ay si cadaalad ah oo sharciga ku salaysan ugu adeegaan bulshada iyagoo ilaalinaya hantida dawlada iyo ta shacabka gaar ahaan gaadiidka iyo miisaaniyada degmada .Wuxuuna ku booriyay inay noqdaan kuwo unugul islamarkaana kadamqada baahida shacabka.
Bakhtiyaa-nasiibkii kadib ayaa waxaa madasha kahadlay qaar kamid ah xubnihii hormuudka hogaaminta degmooyinka loo soo xulay ee bakhtiyaa nasiibka qaatay iyagoo sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin nidaamka cadaaliga ah ee loo sameeyay islamarkaana bogaadiyay qaab-socodka XDSHSI iyo xukuumada DDSI ee uu hormuudka kayahay madaxwayne CMC iyagoo kutilmaamay nidaamka loo soo xulay, tababaradii ay qaateen iyo bakhtiyaa nasiibka meelaynta