Madaxweynaha Soomaaliya Oo Cusbitaalka ku Booqday Dhaawac ay Diyaaradi Garoowe Ka Daad-guraysay Oo Laga Dejiyey Muqdisho

0
13

Qaramada Midoobay Iyo Ururrada Midowga Yurub Iyo Afrika Oo Ka Hadlay Weerarrada Ay Puntland Kusoo Qaaday Ciidamada Qaranka JSL

 

 

Sarkaalkii Ugu Derajada Sarreeyey   Puntland ee Ay Ciidammada Qaranka JSL Gacanta Ku Qabteen Isagoo Dhaawac Ah Oo Geeriyooday+Dawladda Somaliland Oo Soo Bandhigtay maydadka Maxaabiis Ay Ka Qabteen Puntland Oo Dhaawacii Dagaalka U Geeriyooday

Hargeysa (Hubaal):-wadamada beesha caalamka ayaa ka hadlay dagaalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay deegaanka Tuke-raq ee gobolka Sool, kaasoo ka dhashay weeraro ay marar kala duwan ciidanka maamul gobolleedka Puntland ku soo qaadeen fadhiisimada ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku yaalla jiida Tukaraq ee gobolkaSool. Warsaxaafadeed ay wadamada caalamku soo saareen ayaa lagu sheeqay baaq ku wajahan in ciidamada labada dhinac ay dagaalka joojiyaan. Warkaas oo nuqul kamid ahi wargeyska HUBAAl soo gaadhay waxaa uu udhignaa sidan: “Waxaanu si aad ah uga walaacsanahay iska hor imaadyadii ugu dambeeyey ee ka dhacay aaga Tuke-raq ee gobolka Sool kaas oo u dhaxeeya Somaliland Iyo Puntland waxaanan si deg deg ah ugu baaqaynaa labada dhinac inay xabada joojiyaan. Sida wararku sheegayaan, dagaallo culus ayaa bilowday subaxnimadii Khamiistii kaas oo dhex maray Puntland iyo Somaliland oo la sheegay inay isticmaalaan hub culus. Waxaan ugu baaqaynaa labada dhinac inay joojiyaan dagaalka oo ay bilaabaan wada hadal u dhaxeeya taliyeyaasha ciidamada milatariga ee ku sugan dhulka lagu dagaalamay, waana in labada dhinac sugaan gargaarka bina aadaminimada ee la gaadhsiinayo dadka barakacayaasha ah. Beesha caalamku waxay ogaadeen in rabshaduhu ay socdaan iyada oo ay jirto xaalad bina aadaminimo oo aad u adag taas oo markii horeba jirtay isla markaana ay sii xumeeyaan saamaynta duufanadii Sagar ee dhawaan dhacday. Qaramada midoobay, midawga Afrika, midawga Yurub iyo wadamada Belgium, Denmark, Ethiopia, Finland, Germany, Ireland, Italy, the Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, the United Kingdom and the United States waxay isku raaceen in ilaalinta nabad galyadu ay muhiim u tahay labada dhinacba.

Geesta kale dawladda Somalilandayaa soo bandhigtay qaar kamid ah dhaawacii ciidanka Puntland ee ay ciidamadda qaranka Somalilandsoo qabqabteen kuwaas oo badankoodu  markii la qabqabtay kadib ay geeriyoodee. Askartan ay ciidammada qaranku maxaabiis ahaanta u qabteen iyagoo dhaawaca ah eedhintay waxaa ku jiray taliyihii aaga dagaalka ugu sarreeyey Puntland oo isaga darajadiisu ahayd sarreeyo guuto Mr. Muxiyadiin ,kaasi oo isaga oo dhaawac dhintay. Waxaana saraakiisha ciidammada qaranka Somaliland ee jiida hore ku sugan oo ay weheliyaan masuuliyiinsare oo dawladda ka tirsani ay maydadka maxaabiistan oo isagu jira kuwo  lasoo qabtay iyo kuwo maydkooda laga soo ururiyey jiida laga caydhsaday malleeshiyada Puntland ku wareejiyeen odayaasha deegaanka Laascaannood, si  loo aaso.

Dhinaca kale warar madax banaan oo wargeyska HUBAAL ka heley magaalada Muqdisho eexarunta dalka Soomaaliya ayaa sheegay in magaallada Muqdisho laga dajiyey dhaawac fara badanoo ka mid ah askartii Puntland kuwaasi oo ay diyaaradi kasoo qaaday Garoow, shalayna laga dejiyey madaarka Aadan Cadde ee magaallada Muqdisho, isla markaana  loo daad guriyeey cusbitaallada Magaladda Muqdisho gaar ahaanna ka uu Turkigu gacanta kuhayo kuwa kale ee gaarka loo leeyehey.  Dhaawacan ayaa warku tibaaxay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajop uu ku  booqday cusbitaallada ay yaallaan, kuwaas oo qaar kamid ah uu ka waraystay xaalladooda iyo xaallada deegaannadii ay ku dhaawacmeen ee dagaalka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here