Madaxweynaha Soomaaliya Oo Gen. Jaamac Maxamed Qaalib U Magacaabay Xil Arrimaha Ciidammada Khuseeya

0
65

Jaamac

Muqdisho (Hubaal)- Madaxweynaha dawladda Somaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo Ayaa wareegto uu shalay soo saaray xil ugu magacaabay Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac-yare) oo kamid ah saraakiisha ruug cadaayada ah ee magaca ku lahaa arrimaha ciidammada, xilal kala duwan oo jananka Bilaysku ka mid yahayna ka soo qabtay  dawladdii kacaanka ahayd ee Maxamed Siyaad Barre.

WAreegto uu shalays oo saaray madaxweynaha Soomaaliya Ayaa lagu sheegay in Guddi maamuli doonta sanduuq loo sameeyey taakulaynta ciidamada dalka Soomaaliya guddoomiye looga dhigay Gen. Jaamac Maxamed Qaalib  (Jaamac Yare).  Qoraalka  wareegtada ah ee uu soo saaray Mr. Farmaajo oo warbaahinta dawladdiisa loo qaybiyey isla markaana uu wargeyska HUBAAL kasoo xigtay bartay internetka ee Radio Muqdisho waxaa isaga oodhamaystiran uu u dhignaa sidan: “ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay guddi maamula sanduuqa taakulaynta ciidamada. Sanduuqaan oo ah mid madaxbannaan ayaa waxa uu Madaxwaynuhu u magacaabay Guddoomiye Mudane Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib, waxaana Guddoomiye K/Xigeen loo magacaabay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda daahfurka sanduuqa taakulaynta ciidamada ayaa yiri “Maanta waa maalin baal dahab ah ka galaysa taariikhda ummadda Soomaaliyeed maxaa yeelay waxay tilmaamaysaa wada jirka Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidanka, wada jirka Dowladda iyo Shacabka,” Madaxwaynaha ayaa ummadda Soomaaliyeed u diray baaq ku aaddan taakulaynta iyo taageerada Ciidamada qaranka si ay dib ugu soo laabato sharafta muwaadinka Soomaaliyeed. “Difaaca dalku ma aha masuuliyad u gaar ah Ciidamada oo kaliya. Waa masuuliyadda u taala qof kasta oo Soomaali ah, haddii aad doonaysaan in aad ku noolaataan dal sharaf leh.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here