Madaxweynaha Sudan Oo Qalliin Lagaga Sameeyey Wadnaha Kadib Xinjir Gufaysay Xididdada Dhiigga

0
53

Dawladda Sudan oo Ka Hadashay Xaallada Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir oo  Iyo Natiijada Qalliinka Lagu Sameeyey

madaxweynaha sudan

Khartoum (Hubaal):- Madaxweynaha waddanka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir, ayaa qalliin dhinaca Wadnaha ah lagu sameeyey, kaas oo lagu qalay Cusbitaal wayn oo ku yaalla Caasimadda dalkiisa ee Khartoum. War ay baahisay Wakaaladda Wararka Sudan ee SUNA maanta, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Al-Bashiir oo hadda 73 jir ah lagu sameeyey qalliin fudud oo Xidid kuwa Wadnaha ah Xinjir lagaga saarayey fiidnimadii Arbacadii inna dhaaftay ee dorraad, sida ay Jimcihii shalay baahisay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC. Qalliin-kaas, ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid fudud oo lagu daweeyo Xididdada Wadnaha ee xidhma oo mid ka mid ah Xinjiri xidhay Madaxweynaha. Warbixintu waxay intaa ku dartay in isla markiiba Madaxweynuhu waajibaadkiisii shaqo ku noqday, ka dib saacado kooban markii qalliinkaas lagu sameeyey. Sarkaal dawladda Sudan ka tirsan oo Wakaaladda Wararka ee Reuters la hadlay, magiciisana aan la shaacin, ayaa sheegay in qalliinku ahaa mid fudud, waxaanu intaa ku daray oo Sarkaalkaasi uu yidhi; “Madaxweynuhu judhiiba wuu ka baxay Cusbitaalka, waxaanu gudanayaa waajibaadkii shaqo ee uu Qaranka Sudan u hayey, Caafimaadkiisuna waa fiican yahay.” Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir wuxuu xukunka ku qabsaday Af-gembi Millatetri sannadkii 1989-kii, illaa haatanna sidii buu hoggaanka dalka Sudan u hayaa. Waxa lagu eedeeyaa inuu cabbudhiyo Xisbiyada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo weliba Warbaahinta, arrintaas oo Muddaharaaddo aan sidaa u waynayni ka dhasheen sannadihii u dambeeyay. Al-Bashir waxa sidoo kale Maxkamadda caalamiga ah ee dembiyada ee ICC ay ku eedaysay falal xasuusq ah, dembiyo dagaal iyo kuwo Xuquuqda Aadamaha ka dhan ah, eedahaas oo dhamaantood uu wada beeniyey, waxaanay u jartay Maxkamadda ICC Waaran qabasho ah, waloow aanay weli u suurtagelin inay gacanta ku dhigto, isagoo u safray dalal kala duwan oo dunida ah, isla markaana ay ICC ka dalbatay inay qabtaan, balse marna kumay guulaysan fulinta codsiyada ay dalalka uu u safray Al-Bashiir kaga dalbatay inay u qabaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here