Muqdisho (Hubaal):- Madaxweynaha waddanka Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa shalay Booqasho ku tegey magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyey. Waxaa Madaxweynaha Turkiga iyo Weftiga uu hoggaaminayo oo dowladdiisa iyo Qoyskiisa ka kala tirsan lagu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku qaabileen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Masuuliyiin Xukuumadda Federaalka ka tirsan iyo Mudanayaal Baarlamaan iyo Weliba Shacab lulayey Calanka Turkiga. Madaxweynaha Turkiga oo Safarkiisani noqonayo kii saddexaad ee uu ku yimaaddo Muqdisho, waxa uu xadhigga ka jaray ama furay Safaaradda Turkiga ee laga dhisay Muqdisho, taasoo noqonaysa Safaaradda ugu weyn ee dowladda Turkigu ku leedahay Afrika oo dhan. Sidoo kale waxay Safaaraddan Madaxweynaha Turkigu furay noqonaysaa Safaaradaha Turkiga kuwa ugu waaweyn ee uu ka dhistay waddamada dibedda iyo sidoo kale Cusbitaal loogu talo-galay Hooyada iyo Dhallaanka oo isna Muqdisho Turkigu ka dhisay, isla markaana isla shalayna Madaxweynuhu xadhigga ka jaray. Ammaanka magaalada Muqdisho, ayaa si weyn loo adkeeyey inta uu Safarka ku joogay Madaxweyne Erdogan. Ciidammada Ammaanka Soomaaliya, ayaa sugayey nabadgelyada, waxaa sidoo kale la arkayey Ciidammo Turki ah oo ku hubaysan Baaskoolado oo goobta ku sugnaa iyaguna. Waxa uu Socdaalkan Madaxweynaha Turkigu ku soo beegmay laba Maalmood ka dib markii habeen-hore weerar culus ay Al-Shabaab ku qaadday Huteel Ambassator ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay dhawr iyo toban ruux oo Masuuliyiin dowladeed ku jiraan ku dhinteen, in 60 ka badanina ku dhaawacmeen. Waxa uu sidoo kale ku soo beegmay Safarkani xilli uu Khamiistii inna dhaafta isna Safar ku yimi Muqdisho Xoghayaha arrimaha dibedda Ingiriiska iyo Wefti uu hoggaaminayo, inkasta oo Safarkiisa aan la sii shaacin Xoghayaha arrimaha dibedda Ingiriiska, haddana waxa uu Safarka Erdugan kaga duwanaa waa la sii shaaciyey inuu Jimcaha Maanta tegayo Muqdisho. Shir Jaraa’id oo ay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkigu ku wada qabteen dhismaha Safaaradda Turkiga ee Muqdisho laga furay, waxaa uu ka sheegay Erdogan in uu Turkigu dhisayo Baarlamaanka Soomaaliya, Waddooyin cusub iyo goobo kale oo Muqdisho ah, waxa uu sheegay in dadka Abaaruhu ku waxyeelleeyeen Puntland, Somaliland iyo Itoobiya ay Bisha Ramadaan u soo diri doonaan Markab Caawimo ah. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhiniciisa u mahad-celiyey Madaxweynaha Turkiga iyo dowladdiisa oo uu sheegay inay hoo iyo hiil-ba la garab-taagan yihiin Soomaaliya, isla markaana uu si ku dhiirrasho leh Madaxweynaha iyo Weftigiisu u yimaaddeen Muqdisho oo uu Qarax culusi ka dhacay laba maalin ka hor booqashadiisa Muqdisho.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Madaxweynaha Turkiga oo Markii Saddexaad Safar Dhoollatus Ah Ku Tegey Muqdisho, Mashaariicna...