“Madaxweynaha Waxaan Leeyahay Maanta Nin Reer Somaliland Ah Oo Kaa Da’ Weyni Ma Jiro Ee Ka Ilaali In Gacantaada Ay Ku Burburto”-AKHRISO Eng. Feysal Cali Waraabe Oo Madaxweynaha La Taliyey

0
37

GUDDOOMIYAHA UCID OO SHEEGAY IN SOMALILAND HALIS UGU JIRTO IN AY QABYAALAD IYO DULMI U BURBURTO

 

“Madaxweynaha Waxaan Leeyahay Maanta Nin Reer Somaliland Ah Oo Kaa Da’ Weyni Ma Jiro Ee Ka Ilaali In  Gacantaada Ay Ku Burburto”-AKHRISO Eng. Feysal Cali Waraabe Oo  Madaxweynaha La Taliyey

 

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sheegay in Somaliland khatar ugu jirto in ay qaybaalad iyo dulmi dartii u burburto, isagoo dhallinyaradana ugu baaqay inay ka fogadaan qabyaalada oo qaranka ku abtirsadaan.

 

Eng. Faysal Cali-waraabe oo khudbad ka jeediyey xaflad xisbiga UCID u sameeyey taageerayaal ku biiray oo ka qabsoontay hudheelka Crown ee magaalada Hargeysa maanta, waxa uu Madaxweynaha ugu baaqay in qaranka Somaliland aannu gacmihiisa ku burburin oo uu shacabka mideeyo.

 

 

“Somaliland waxay maanta khatar ugu jirtaa in ay dunto, waxaanna duminaya waa dulmi iyo qabyaalad, dulmi iyo qabyaalad halka uu yimaadaana horumar ma yimaad, qarannimana kuma raagto, waxaannu leenahay waar niman yahaw dhallinyaro ayaad tihiin, mustaqbal baad u baahan tihiin oo mustaqbalka Subeer Awal idinma gaadhsiin karo, Gar-xajis  idinma gaadhsiin karo, Dhul-bahanatna idinma gaadhsiin karo ee qaran baa idin gaadhsiin kara, dhallinyaro ayaad tihiine isku taga oo maalintaad codkiina bixinaysaan yaanay niman qaad soo cunay oo jiingadii dugsiga wata oo waddada ku soo qayilay yaanay idin waalin ee foodka ku hubsada,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.

 

 

 

FaysalGuddoomiyaha xisbiga UCID waxa uu tilmaamay in madaxda, salaadiinta, dhallinyarada iyo shacabkaba afkooda wax aan qabyaalad ahayn oo kale aanay ka soo baxayn, waxaannu yidhi; “Ummad aan midaysnayn qaran ma dhisi karto, been yaan la idiin sheegin, markaad madaarka ka dhooftid ayaa qabiil kuugu dambaysa, waxaanna lagu odhanayaa basaboorkeed  haysataa, dalkeed ka timmi, waxaan qabiil ahayna dadkeenna kama soo baxayo, wasiirkii baa qabiil ku hadlaya, suldaankiiba qabiil ku hadlaya, dhallinyartii baa qabiil ku hadlaysa, qabiil baa loo baratamayaa,  in aynu dadkeenna hodno oo innagoo aan hab dawladnimo iyo qarannimo wadin aynu been u sheegnaana ma fiicna. Habka aynu ku socono maaha hab aynu ummaddeena himiladooda ku gaadhsiin karno, taasi waa ta keentay in la ina yidhaa Taleex ka baxa waa dhul la isku haystee.”

 

Eng. Faysal Cali-waraabe waxa uu dhallinyarada ugu baaqay in ay ka fogadaan qabiilka oo qarannimada u hiiliyaan, waxaannu yidhi; “Dhallinyaradu uma baahna qabiil ee qaran bay u baahan tahay, waxaan idinka waaninayaa kelmadaha qabiilka ha ku hadlina, dhallinyarta Soomaali oo dhan in aad is raacdaan baad u baahan tihiin, haddii aad ku ababtaan qabiil waddo xun baan u arkaa, iska daaya qabyaalada, waxaanad ku abtirsataan deegaankiina, waxaanad odhanaysaan degmada 26 June, Kood-buur.”

 

Eng. Faysal waxa uu xusay in awooddihii dawladnimo iyo dhaqaale ee Somaliland ku soo ururay caasimada Hargeysa, waxaannu ku baaqay in maamul fidin iyo dhaqaale ballaadhin la sameeyo, waxaannu yidhi; “Dalkeennu hiil buu u baahan yahay, hiilkana wuxuu u baahan yahay midnimo, Hargeysa dawlad gaar ah ma noqon karto, waddankeeniina wuu soo ururiyo, dadkii oo dhan waa la soo fayliyey, Ceeri-gaabo waa la soo fayliyey. Laas-caanood waa la soo fayliyey. Burco waa la soo fayliyey oo Hargeysa la isugu yimmi oo arsaaqadii iyo xukunkiiba la isugu keenay, waa in la fidiya maamulka oo gobollada bariga dhaqaalaha loo huraa.

 

Haddii beesheenna dhexe aynu isku mashquulno oo aynaan tebin in ay ciddi innaga maqan tahay waa guul-darro, waa in dadka innaga maqan ee bariga dega eegnaa, reer Awdal way xoq-xoqanayaan, innaguna ma midaysnin, ma haysano waddan gacanta innagu haya oo leh yaan Somaliland la taaban.”

 

Guddoomiyaha UCID waxa uu UN-ta iyo waddamada caalamka hoggaamiyaha ku dhaliilay in ay Somaaliya kala qaybqaybiyeen, haddii la iska jiri waayana Somaliland ay u soo dhigan karaan, sidaa darteedna xuduudaha la sugo.

 

“Kuwii aynu lixdankii ku darsanay maanta la qaybinaya oo gobol gobol baa loo qaybinaya, is dila baa la yidhi oo laba gobol iyo badh cidii la timaada waa dal baa la yidhi, marka ummadda maanta la qaybinayo ee UN-tu qaybinayso ee waddamada awoodda caalamku qaybinayaan ee xuduudo cusub u samaynayaan, waxaynu kaga hortagi karna inagoo midawna oo xadkeena tagna oo dhaqaalaha bariga gaadhsiina oo caddaalad ku xukuna oo ka baxna qabyaalada iyo eexda dalka ka socota,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

 

Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu Madaxweynaha u soo jeediyey in dalku aanu gacantiisa ku burburin oo uu shacabka mideeyo, waxaannu yidhi; “Madaxweynaha waxaan leeyahay maanta nin reer Somaliland ah oo kaa da’ weyni ma jiro ee ka ilaali in Somaliland gacantaada ku burburto. Annaguna diyaar baannu u nahay in aanu kala shaqayno, maalintii dhawayd ee ay ku xumaatay waakii noo yeedhay, waannu u tagnay, waannu u mahadsan tahay, tallooyin baannu siinay.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here