Madaxweynaha & weftigiisa oo Si Ballaadhan loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Oodweyne

0
10

Oodweyne-21-11-2018-(Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalo-madaxda gobolka Daad-madheedh iyo deegaanno hoos yimaadda, waxana uu madaxweynuhu dhagax dhigay mashaariic waaweyn oo xukuumaddu halkaas ka hirgelisay, isaga oo kuwo dhammaadayna xadhigga ka jaray.

Shacabka ku dhaqan guud ahaanba gobolka Daad-madheedh  oo isugu jira, madax-dhaqameed, haween, dhallinyaro, aqoonyahan iyo siyaasiyiin, isla markaana ay hormood u yihiin mamulka gobolka ido degmada, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga horyimi goob magaalada ka baxsan, waxana iyaga oo lulaya calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan ay u galbiyeen dhinaca buddha magaalada, halkaas oo uu madaxweynuhu kala hadlay bulshada soo dhaweysay.

Ugu horrayn  xubno kamid ah madam-dhaqameedka ugu magaca weyn gobolka Daad-madheedh oo halkaas ka hadlay, ayaa shacabka reer Oodweyne ugu mahad-celiyey sida aan kala hadhka lahayn ee ay madaxweynaha iyo weftigiisa usoo dhaweeyeen,  iyaga oo madaxweynahana ku bogaadiyey booqashada shaqo ee uu gobolkaas ku tegay iyo mashaariicda horumarineed ee uu dhagax dhigay iyo kuwa uu xadhigga ka jarayba.

Guddoomiyaha gobolka Daad-madheedh, mudane Cabdixakiim Nuur Muuse iyo badhasaabka gobolka, mudane Axmed Diiriye Cabdilaahi oo iyaguna madasha lagu soo dhaweynayey madaxweynaha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa si isku mid ah ugu mahadnaqay shacabka reer  Oodweyne, waxana  ay sharraxaad dheeri ah ka bixiyeen mashaariicda midho-dhalka ah ee ay xukuumaddu ka hirgelisay guud haan gobolka Daad-madheedh.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here