Madaxweynaha Xamar Oo Faan Ka Dhigtay Waddooyinka Somaliland Isaga Oo Far Kaga Gab-baday Mooshinka Ku Socda Maamulkiisa

0
33

“Waddooyinka Min Hargeysa illaa Boorama Ka Socda Ee Ay Dadku Beesada Jeebkooda Ka Bixiyeen  Ee Maalin Walba Telefishanka LAga Arkayo Miyaanay Ahayn Wax Lagu Faano Oo aad Loo Jeclaysto”

Hargeysa (Hubaal)- Madaxweynaha Mooshinku ku socdo ee maamulka gacan ku rimiska ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa af-labadii ku faanay horumarka uu dalka Somaliland iyo shacbigiisu ay kasameeyeen dhinaca dhismaha waddooyinka. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay madal dib loogu dayac tiray aqalka uu degen yahay ee Villa Somalia ayaa isaga oo ka galgalanaya eedaha xukumaddiisa uga yimaada bulshada ee ku aadan in xukumaddiisu ku fashilantay hawlaha loo igmaday ayaa ku dooday in horumar socdo, isagoo horumaro Somaliland samaysay oo uu telefishannada ka arko ku daray waxqabadka uu sheeganayo.xasan sheekh

Somaliland waxaa ka socda jidad badan oo bulshada degaammada jidadkaasi maraan isku xil qaameen islamarkaana ay iskood u dhisayaan, iyagoo taageero aan badnayn ka helaya xukumadda Somaliland, taasi oo sannadadii u dambeeyay hirgashay, kuwa tacabka ugu badan la galiyayna ay ka mid yihiin jidka Dawgacad, jidka wadada Cad, Dila ilaa Boorama iyo kuwo kale. Haddaba Xasan Sheekh ayaa ku dooday inay dadku waxqabsan karaan “Waddooyinka dalka oo dhan Min Hargeysa, Boorama ilaa Muqdisho iyo Kismaayo ka dhismaya ee maalin walba telefishanka laga arkayo ee dadka Soomaaliyeed beesada (Lacagta) ay jeebkooda ka bixiyeen ku dhismayaa miyaanay ahayn wax lagu faano oo aad loo jeclaysto. Maxaa cirkaa intan ka soo dumay iyo balaayaa dhacday iyo waa la fashilmay loo leeyahay maxay tahay waa la fashilay? Waar umaddani ma fashilmin waa tanaa waa nool nahay waa taaganahay waa soconaa horumar ayaa suubinaynaa, shalay maanta ayaan ka qurxoonahay, barina waa ka sii fiicnaan,” ayaa ka mid ahaa hadalka Xasan Sheekh. Tan iyo bishii August ee sanadkan waxaa muran siyaasadeed ka abuuray Somalia mooshin ka dhan ah Xasan Sheekh, kaasi ilaa 100 xildhibaan soo jeediyeen in xilka laga qaado. Waxaa lagu haystaa inuu ku fashilmay hawlaha bulshadu u igmatay ee dhinaca horumarka iyo ammaanka walina xal looma helin mooshinkaasi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here