Taliye Cabdillaahi Fadal Iimaan Waxay Derajadiisii Hore Ahayd SARREEYE GUUTO, Haatanna Waxaanna Loo Dallacsiiyey SARREEYE GAAS
Hargeysa (Hubaal) -Madaxweynaha xilka ka degaya ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan u dallacsiiyay darajada Sarreeye Gaas. Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan oo hore u haystay darajada Sarreeye Guuto ayaa madaxweynuhu u dallacsiiyey derejada Sarreeye Gaas, isaga oo Madaxweynuhu sheegay in muddadii uu Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan xilka taliyenimo ee ciidammada booliska hayay ku sifoobay waxqabad, hawl-karnimo iyo horumar uu taliskaasi ku tallaabsaday. Madaxweynaha somaliland ee dhawaan talada dalka wareejin doona Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa horumarka dhinaca ciidanka ee lagu xasuusan doono waxa ugu horeeye darajooyinka uu ku taxay ciidamada kala duwan ee qaranka, darajadaas oo kor u qaaday haybada uu leeyahay ciidanka Somaliland.