Cafiska Madaxweynuhu Wuxuu Ku Soo Beegmay Xilli Ay Siyaasiyiinta Somaliland ee Ku Sugan Muqdisho Ay Saluug Ka Muujiyeen Saamiga Laga Siiyey Kuraasta Baarlamaanka Soomaaliya ee la soo xulayo bishan
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Siyaasiyiinta reer Somaliland ee Soomaaliya Joogta wuxuu u fidinayaa Cafis ballaadhan oo bilaa Shuruud ah, waxaanay dowladda uu [Madaxweyne Siilaanyo] hoggaamiyaa Dadkaa u diraysaa Gaadiid Diyaarado iyo Baabuur-ba” – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani)
Hargeysa (Hubaal):- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Cafis u fidinayo Siyaasiyiinta Somaliland u dhalatay ee ku sugan dalka Soomaaliya, isla markaana uu diyaar u yahay inuu diyaarado ka soo qaado Caasimadda Muqdisho u diro, si weyna loogu soo dhawayn doono Somaliland. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa Shir Jaraa’id oo uu Sabtidii Maanta ku qabtay magaalada Hargeysa kaga hadlay arrintaas iyo arrimo kale oo wadahadalka Somaliland iyo Cali Khaliif Galaydh ka mid yahay. Waxaanu Sheegay in Madaxweynaha Somaliland Cafis u fidiyey Siyaasiyiinta Somaliland ee Soomaaliya jooga, isla markaana uu diyaarado u dirayo ka soo qaada Muqdisho, ka dib markii sida uu sheegay ay garteen inaan Soomaaliya waxba u oollin. “Sidaad ka war haysaan 1961-kii – Dhallinyaro Reer Somaliland ah oo uu Hoggaaminayey – Allaha u naxariisto C/laahi Siciid Caabi ku dhintay sidii Somaliland xornimadeedda dib ula soo noqon lahayd, waxaad kaloo ka war-haysaan markii Xukunkii Maxamed Siyaad Barre Bur-burayey magaalooyinkii Somaliland la go’aansaday inay Somaliland Xorriyaddii dib ula soo noqoto, Dhib badan oo dhacday, dhimasho iyo dhaawac dhacday iyo wixii maal yaalay oo la burburiyey awgeed waxa suurogashay in lagu guulaysto riyaddii in Somaliland xor noqoto, wakhtigan aynu maanta joogno oo soomaalya wali sheeganayso inay Somaliland qayb ka tahay waxaa ilaahay ugu mahad naqaya walaalahayaga reer Somaliland ee ku sugan Soomaaliya ay maanta garteen in Soomaaliya waxba u oolin,” ayuu yidhi Caddaani, Waxaanu intaa ku daray. “Waxaan aduun weynaha u sheegayna, Somalia u sheegaynaa, siyaasiyiinta reer Somaliland ee Xamar joogana u sheegaynaa mustaqbalku wuxuu ku jira Somaliland, mar haddii ay fahmeen in aanay Muqdisho waxba u oolin waxa uu Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo wuxuu u fidinayaa cafis bilaa shuruud ah, waxa kaloo uu madaxweynuhu u fidinayaa in wixii gaadiid ah ee taakulayn ah ee ay ku soo bixi lahaayeen diyaar loola yahay haddii ay diyaarad tahay iyo haddii ay Gaadiid kale tahay”. Waa markii ugu horreysay ee sida uu sheegay Wasiirka Warfaafintu Madaxweynaha Somaliland sidan oo kale Cafis baahsan ugu fidiyo Siyaasiyiinta Somaliland u dhalatay ee jooga dalka Soomaaliya, iyagoo intooda badani xilal kala duwan ka haya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, inkastoo ay jireen Siyaasiyinta soo codsada inay Somaliland imanayaan oo ay ka soo laabteen mabda’ooda Soomaaliweyn ee ay aamminsan yihiin hore loogu fidin jiray Cafis sida uu dhigayo Xeer Baarlamaanku ansixiyey oo ku saabsan Siyaasiyiinta Somaliland u dhashay ee Soomaaliya tega. Hadalkan ayaa ku soo beegmaya, markii ay Siyaasiyiinta Soomaaliya jooga ee Somaliland u dhashay ka biyo-diideen Saamiga Kuraasta Baarlamaanka Soomaaliya ee la soo xulayo bishan laga siiyey Beelaha dega Somaliland, kuwaasoo sheegay inaanay aqbalayn qaabka wax loo qaybiyey, isla markaana ay caddaalad-darro iyo Sad-bursi u arkaan in Somaliland kuraasta ay lahayd wax laga dhimay, halka Puntland looga kordhiyey.