Waxaa Oogada Caasimadda Hargeysa Iyo Gobolka Oodweyne Bisha Soo Socota Laga Hirgelinayaa Laba Biyo-xidheenno Oo Waaweyn
Hargeysa(Hubaal)- Fadhigii 17-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo khamiistii ka qabsoomay madaxtooyada lagu gorfeeyey arrimo badan oo la xidhiidha dhinaca amniga, horumarinta arrimaha bulshada iyo hirgelinta mashruucii shaqo qaran. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada Goluhu waxa uu warbixin ka dhegeystay wasaaradda Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, oo ku dheeraatay xaaladda guud ee nabadgelyada qaranka.
Iyadoo laga duulayo qorshaha labaad ee horumarinta qaranka (NDPII), waxa uu goluhu isla qaatay in lasoo horumariyo adeegyada aas-aasiga ah ee arrimaha bulshada, sida caafimaadka, biyaha, waxbarashada, kalluumaysiga, xannaanada xoolaha, iyo waddooyinka.
Waxa goluhu uu isku raacay hirgelinta biyo xidheenno waa weyn oo lagu joojin doono qul-qulka biyaha ee dooxyadu ku daraan badaha, mararka qaarna sababa khasaare laxaadleh oo naf iyo maalba leh, si looga hortago, baahida biyo yaraaneed ee dalka ka jirta, loogana faa’iidaysto biyahaa baaxadda leh. Waxaana dhaamamkaas laga hirgelin doonaa dhammaan gobollada dalka, iyada oo qorshuhu yahay in bisha siddeedaad ee sannadkan 2018-ka, labada biyo xidheen ee ugu horreeya laga bilaabi doono gobolka daad-madheedh (Oodweyne) iyo koonfurta caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.
Ugu danbayn golaha wasiirada waxa la horkeenay Mashruucii shaqo qaran oo hore madaxweynuhu ugu xilsaaray guddi soo diyaarisa, soona deraasadaysa qorshihiisa iyadoo ay guddidaasi wejigii koowaad ee mashruuca soo dhamaystireen, dhawaana la bilaabi doono hirgelintiisa.