Madaxweyne Biixi oo Casho-sharaf ku Qaabiley weftigii Xildhibaanada ka Socday UGANDA ee Booqashada Ku Joogay Dalka

0
13

Hargeysa(Hubaal)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa habeen hore  kulan casho sharaf ah u sameeyey  wefti xildhibaanno iyo masuuliyiin kale isugu jira  oo ka socda dalka Ugandha, kuwaas oo booqasho ku jooga Somaliland. Kulankaas waxa  madaxweynaha kala soo qaybgalay gudoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, mudane Baashe Maxamed Faarax, guddoomiye ku xigeenka wakiiladda, mudane. Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Wasiirradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, gaashaandhiga, Mudane. Ciise Axmed Yuusuf, Horumrinta  biyaha, mudane. Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, marwo, Shukri Xaaji Ismaaciil Maxamuud Baandarre, Shaqo gelinta, Arrimaha bulshada iyo qoyska, marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaanni, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, agaasimaha guud Arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Cabdinaasir Axmed Xirsi  iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada, Mudane Maxamed Cali Bile. Munaasibadda casho-sharafta ah, ayaa ahayd mid uu madaxweynuhu ku maamuusay xildhibaannada iyo masuuliyiinta kasoo jeeda waddanka Uganda, islamarkaana lagu muujinayey xidhiidhka ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Uganda Xildhibaannada iyo masuuliyiinta kasoo jeeda dalka Uganda oo muddo kooban ku sugnaa dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dhawaan kasoo noqday booqasho ay ku tageen marsada caalamiga ah ee Berbera, iyaga oo soo indho-indheeyey dhaqdhaqaaqa ganacsi ee halkaas ka socda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here