Hargeysa (Hubaal) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay Mucaaradku ku hungoobeen in dad badani u soo baxaan muddaharaaddadii maanta, isla markaana aan muddaharaad dambe dalka laga oggolayn illaa amar dambe.
Madaxweynaha Somaliland oo mar dhawayd hadlay, waxa uu tacsi u diray dadka ku dhintay muddaharaaddadii maanta ka dhacay dalka oo uu sheegay inay shan qof ku dhinteen, ku dhawaad boqol qofna ku dhaawacmeen. Waxaanu masuuliyadda khasaaraha ku eedeeyey Madaxda Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani.
Madaxweye Biixi ayaa mucaaridka ku eedeeyay inay kasoo horjeedaan horumarka Somaliland, waxaana uu sheegay inay mudaharaadka kusoo beegeen xili ay somaliland ku sugan yihiin wufuud caalamiya oo ka socda dalka Maraykanka, taas oo uu sheegay inay uga dan lahaayeen inay ku xumeeyaan.
Mucaaridka ayaa maanta bannaan-bax ka dhigay qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee gobollada dalka, kuwaasi oo markii dambe isku beddelay rabshado ay sababay dhimashada dad gaadhay 5 ruux iyo dhaawa dad ku dhaw boqol.