Madaxweyne Biixi Oo Kulan Ballan-qaad Ku Ladhan Yahay La Yeeshay Aabo Ay Jamhuuriyaddu Xurmo U Hayso, Bulshadana Xushmad Ka Mutaystay

0
12

Urur Maxalli Ah Oo Dhawaan  Oday Jaamac Ku   Maamusay Billad Sharaf Uu Ku Mutaystay Kaalinta Uu Ka Qaatay Nabadgelyada Somaliland,  .

 

Madaxweynuhu Waxa Uu Sheegay In Ay Qaranku Damaanad-qaadayo korinta, barbaarinta iyo waxbarashada Agoontii Ay Ka Tageen Wiilashiisii Colaada Ku Nafwaayay

 

Hargeysa(Hubaal )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi  ayaa  maanta xafiiskiisa ku qaabiley oday Jaamac Maxamuud Ismaaciil oo ah aabihii dhibaatadu ka soo gaadhay dagaalkii ka dhacay Ceeryaan ee gobolka Sanaag, halkaa soo uu ku waayey saddex wiil oo uu laba ka mida dhalay midka kalena uu walaalkii dhalay. Kulankaasi oo ahaa mid madaxweynuhu uu ugu horayn ka tacsiyadeeyey geerida saddexda wiil oday Jaamac Maxamuud Ismaaciil, sidoo kalena wuxuu  madaxweynuhu ka balan qaaday oday Jaamac in Xukuumadda iyo qaranka Somaliland ay la korinayaan ubadkii ay ka tageen saddexda marxuum, laga bilaabo maantana ay ka xukuumad ahaan kafaalo qaadeen, korinta, barbaarinta iyo waxbarashada ubadkaasi, balse aanu keli ku noqonayn daryeelkooda ee uu niyada u sheego in qaranku barbartaagan yahay marwalba, wixii hadda ka danbeeya. Waxaanu madaxweynuhu oday Jaamac Maxamuud Ismaaciil ku hambalyeeyey go’aankii geesinimada lahaa ee uu qaatay, kuna demiyey colaadii labada beelood ku dhex martay degaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag ee dhawaan la soo afjaray. Xubnaha kulankaasi madaxweynaha ku wehelinaayey waxa ka mid ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Cabdi Dheere, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo wasiirka Wasaaradda Xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi). Dhinaca kalena, Oday Jaamac ayaa dhawaan urur maxali ah oo la yidhaahdo Somaliland Inspire Group ku maamusay bilad sharaf uu ku mutaystay kaalinta togan ee uu ka qaatay nabadgelyada Somaliland, waxaanu dalka ku yeeshay magac weyn oo uu bulshada kaga mutaystay xushmad.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here