Madaxweyne Biixi Oo Xilka Ka Qaaday Masuuliyiin Kuwo Cusubna Magacaabay

0
13

Hargeysa (Hubaal) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo uu Xilka qaadis, beddel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda. Wareegtada madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Hubaal ayaa u dhignayd sidan:

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Xeerka kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa-bannaan, Xeer Lr. 71/2015, Qodobka 18aad;

Markaan Arkay: Muhiimadda ay Yagleelka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyigu u Leedahay Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hannan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;Waxaan Go’aamiyey; In Axmed Aadan Jaamac Axmed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland.”

Wareegto kale oo Madaxweynaha JSL soo saaray waxay u qornayd:

MAGACAABID

MarkaanArkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

  1. In Cabdiqani Maxamuud Jiidhe laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  2. In Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Sidoo kalena, waxa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu xilkii ka qaaday Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Maxamed Cabdi Maxamuud Samatar, waxaanu wareegtadaas madaxweynuhu ku yidhi

“Mudane, Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore ugu haysay Qaranka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here