Madaxweyne Caan Ah Oo Xaaskiisa U Magacaabay Madaxweyne Ku-Xigeen

0
27

Baku- Azerbaijan (Hubaal)-Madaxweynaha Dalka Azerbaijan ee Koonfur Bari Aasiya (Southwest Asia) Mr. Ilham Aliyev ayaa xaaskiisa oo lagu magcaabo Mehriban u magacaabay xilka Madaxweyne ku xigeenkiisa.

Magcaabista Madaxweynuhu xaaskiisa u magcaabay inay noqoto Madaxweyne ku xigeenkiisa oo warbaahinta dunida soo jiidatay, waxa sidoo kale lagu shaaciyay maanta bogga Madaxtooyadda Azerbaijan ku leedahay Internetka.

MadaxweynahaAzerbaijaniyoxaaskiisakuxigeenkauah

Madaxweyne Ilham Aliyev, ayaa talada dalka la wareegay sannadkii 2003, kadib markii uu dhaxlay Aabihii oo muddo dheer dalkaa oo ka mid ahaa Midawgii Soofiyeeti(Soviet Union)xukumayay, iyadoo aanu hore u jirin Madaxweyne ku xigeen, balse afti dastuur oo laga qaaday dalka September-tii lasoo dhaafay, waxa lagu ogolaaday in la dalku yeesho Madaxweyne ku xigeen iyo in mudada xilka Madaxweynuhu noqonay toddoba sannadood.

Magcaabista uu xilkaa u magcaabay xaaskiisa, ayaa u muuqta mid uu doonayo inuu kusii xoojiyo awooddiisa iyo inuu xukunka kusii haysto qoyskiisu, iyadoo dalkaasi Azerbaijan qani ku yahay saliidda.

Ilham Aliyev, waa 55 jir, iyadoo haweenaydiisa uu xilka Madaxweyne ku xigeenka u magcaabay ee Mehriban Aliyeva dadeedu tahay 52 jir, oo ku takhasusutay Caafimaadka ka mid ahayd xildhibaanada dalka.

Madaxweyne Ilham Aliyev, wuxuu guursaday Mehriban Aliyeva, iyadoo 19 jir, 1983, waxayna leeyihiin saddex caruur ah, iyadoo haweenayda Mehriban uu dhalay Maalqabeen u dhashay dalkaa.

Haeenayda uu ninkeedu ka dhigtay Madaxweyne ku xigeenka, waxay leedahay Hay’ad lagu magacaabo Heydar Aliyey, waxayna inta badan warbaahinta dowladda ee dalkaasi tilmaamaan in qoyska dalka maamula ku talaabsadaan arrimo musuq-maasuq.

Dhinaca kale Ururada u ololeeya xuquuqda Aadamaha, ayaa qoyska Madaxweyne Ilham Aliyev ee talada dalka Azerbaijan maamula ku eedeeya musuqmaasuq, xukuumadda ayaa beenisa eedahaas.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here