Madaxweyne Denni Iyo Xubno Wasiirradiisa Ah Oo Shalay Isku Aamini Waayay Inay Dhahar U Hoydaan, & Qardho Oo Uu Gaadiid Dagaal Kusoo Galay Goor Habeenimo Ah Xalay
Dhahar (Hubaal) Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni, ayaa socdaal qarsoodi ah oo aan la ogayn shalay ku tegay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, waxaanu saacdo kooban dib ugu soo laabtay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Kar Kaar. Madaxweyne Denni ayay socdaalka ku wehelinayaan xubno ka mid ah gollihiisa wasiirrada iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Puntland, qorshahooda safarka ay ku tageen magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag ayaa lagu waday inuu xalay u hoydo magaaladaa, hase ahaatee madaxweynaha Deni ayaa ka soo koloyeystay deegaankaasi, waxaanu xalay u hoyday magaalada Qardho.
Ujeedada safarka Denni ee Qardho iyo ka bixitaankiisa Dhahar ayaa ahaa mid aan si rasmi ah loo ogeyn, waxayse wararka laga helayo magaaladaasi ay sheegayaan in ay soo wajahday cabsi dhanka amaanka madaxweynaha ah, isaga oo socdaalkiisa hore laf ahaantiisa ku soo galay magaalada Dhahar.
Lama oga cida ka dambaysey qaban qaabada safarkiisa Qardho iyo sababaha uu ugu ledi waayey Dhahar, waxase ay ahayd dhawaan markii masuuliyiin ka tirsan Somaliland oo u jawaabayay maamulka puntland, sheegeen in gobolka Sanaag ay Somaliland ka arrimiso guud ahaantiisaba, oo uu dhulka jamhuuriyadda Somaliland ka tirsan yahay, isla markaana ay ciidamadoodu awood dagaal ku wajahayaan cid kasta oo ka socota Puntland oo faragelin ku samaysa xuduudaheeda.
Denni ayaa kal-fadhigii 45-aad ee barlamankiisa oo qabsoomay xarunta Baarlamaanka Puntland ee magaalada Garowe sabtidii la soo dhaafay, khudbad uu ka jeediyey ku sheegay in xukuumaddiisu ay ku guulaysatey la wareegista gobolka Sanaag taas oo ahayd mid ka cadheysiisay Jamhuuriyada Somaliland iyadoo jawaabo hanjabaado kaga soo falcelisey weedhihii uu ka yidhi barlamaankiisa hortiisa.