Madaxweyne Farmaajo Oo Yididiilo Cusub Ka Muujiyey Wada-hadallada Ma-dhalayska Noqday Ee Somaliland Iyo Soomaaliya

0
24

Farmaajo Xal ma u heli doonaa Caqabadda dhabarka ka jabisay wada-hadalladii Loo Hanka weynaa ee labada Dhinac wada bilaabeen?

Somalia's President Mohamed Abdullahi Mohamed, also known as Farmajo, attends his inauguration ceremony in Mogadishu, Somalia Wednesday, Feb. 22, 2017. Somalia's new leader, who also holds U.S. citizenship, was inaugurated Wednesday while promising to restore dignity to the troubled Horn of Africa nation but warning it will take another two decades to "fix" the country. (AP Photo/Farah Abdi Warsameh)
Hargeysa: (Hubaal)-Madaxweynaha cusub ee dalka aynu deriska nahay ee Soomaaliya Md. Maxamed Cabdilaahi (Farmaajo) oo shalay munaasib caleemo-saar ah Muqdisho loogu sameeyey, ayaa ka hadlay wada-hadalladii ma dhalayska noqday ee ay Somaliland la lahayd xukuumadda Muqdisho, waxana uu tilmaamay in bilowga wada-hadalladaasi ahayd tallaabo hore loo qaaday.

Madaxweyne Farmaajo oo shacabkiisa u jeediyey khudbad taxadar badani ka muuqdo, ayaa sheegay inay xukuumaddiisu sii wadi doonto wada-hadalladii bilaabmay, balse aan natiijada keenin, isla markaana uu ka gun gaadhi doono, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Wada-hadalladii u dhexeeyey dawladda dhexe iyo walaalaheen Somaliland waxa ay ahayd tallaabo wanaagsan oo hore loo qaaday, waxana naga go’an inaanu sii wadno si aanu uga midho dhalino haddii Eebe yidhaahdo.”

Madaxweynuhu waxa uu shacabkiisa u sheegay in dalkiisa burbur badani ku habsaday, isla markaana muddada kooban ee la doortay ay koobnaan doonto waxa ay xukuumaddiisu qaban kartaa, isaga oo meesha ka saaray in wax badan laga qabto qabyooyinka iyo dhibaatooyinka dalkaas ka jira.

Mudane Farmaajo waxa uu ku nuux nuuxsaday inuu ku dedaali doono inuu dib usoo celiyo kalsoonidu shacabka Soomaaliyeed ku qabeen dawladda, isla markaana uu dhisi doono hay’ado dawladeed oo sharcigoodu sarreeyo oo lagu kalsoon yahay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here