Madaxweyne, Ha Dhayalsan Abtiyaasheen Qadiyaddooda Ee Hoos U Dhugo Oo Dhagaha U Raarici

0
78

Qalinkii: Rashiid Sulub Caalin

 

F.G.1 Halkani uguma soo jeedinayo canaan wax-qabad la’aan Muuse Biixi qadiyaddan,ee maslaxo tusaaleyn.

  1. Maqaalkana beesha Garxajis maslaxo gaar ah oo an ka leeyahyna ma jirto.Haddii uu akhriska maqaalkani inigu dheeradda raali iga noqoda.

.

Waxa ay dalbanayaana waa wax ay xaq u leeyahiin oo gar ah oo ah S/land ( Ha noqoto mid la wada leeyahay ,dheefteedana loo siman yahay.) Waxana aan aminsanahay In Danteena guud halkaasi ku jirto!!!

 

Anigoo ah Haldoor Rashid Sulub Caalin,Marka hore waxaan halkani ku hanbalyaynayaa Labadii Beelood ee Colaadu ku dhex martay CEEL-Afweyn ee sida Sharaftu ku jirtay doortay ee heshiiyay iyo intii u gurmatay soo-afjarida Aafadaasi oo ay ugu Horeyso Dawldda iyo intii kale ee la ogaa ee iska xilsaartay.AWALNA Alleh ayaa MAHAD leh WAAFAJIN HESHIISKAASI. Mar labaad,waxaan M,weyne halkani kuugu soo gudbinayaa ,Talana kugu soo biirinaayo,maadaama qof kasta oo waddani ah xaq u leeyhay in Taladda Dalkeenna uu ka qaybqaato si fayoowbid ah, taladdaasi oo ah mid aan aminsanahay in wanaag badan dhalindoonta ,haddii Alleh yidhaa,waxana weeye sida la wada ogsoon yahay Muddo 2 ilaa 3 bilood horteed ah ay Beel-weynta Garxajis Shir balaadhan dalka gudihiisa ku qabsadeen, taasi oo ay kaga arrinsanayeen Danaha Beeshooda. Qurbajoog iyo qolqol joogba, Madaxdhaqameed,Culimo Diin, Aqoonyahay, Mujaahidiin, Dhalinyaro,Waayeel Rag iyo Dumarba si weyn ayay ugu qayb galeen.

Waxaana ka soo baxay Go’aamo waaweyn oo ku wajahan Beeshooda gudaheeda iyo kuwo kale oo Dawladda S/land ku wajahan ,oo gundhigoodu ahaa Xaq Darooyin iyo Garbin lagula kacay oo ay ka cabanayeen,waa sida ay u arkaane.

Illaa maanta sida aan rajeynaayo M.weynuhu arrintaasi wali uma gacan bixin ogaanshahay.Soomaalidu waxa ay tidhaahda Caruur-Cauur Aan Lala Ciyaarin Baa Jirta.Garxajis cidla lama dhigi karo ,kuwa isku dayayana waa wax magarato,marka lagu xisaabtamo Kaalintii Xoreynta dalka ay ka qaateen, Dhulka baaxadiisa Weyn ay daggan yahiin, Ganacsiyadooda,Suugaanyahanadooda, kaalinta Hormarinta dalkeenna ay kaga jiraan, wadaninimadooda, Ilbaxnimooda, Geesinmadda, dul-qaadkooda, Culimaddooda Caan ka ah iyo Hantidoodaba, oo ay ugu horeyaan (Kalo Danbeyn,Ismaqal Qiimoweyn Leh.) Raggii ka dhashay beeshaasi oo qiimo weyn lahaa dhammaantood Alle ha u naxariistee.

 

Ugu Danbeyntii Waxa Soomaalidu Ku Maahmaahdaa Talo Addaa Ku Noolee Ee Iyadu Kuguma Noola. Sidoo Kale Waxay tidhaa Ninka An Garan Waxa Jooga Maanta Waxa Socoda Ma Garto. Markaa Mude.M.Weyne Waxaan Kugula Dardaarmayaa Inaad Si Dhakhso Leh Qadiyaddaasi Meeshada Ku Haboon aad Dhigto, waliba Suurtagalka Ah, sida aan dareensanahay waxba innagu kicimeyso wanaag mooyaane.

 

F.G.1 Sida aad igu tagaanan waxa saliim ka ahay Qaabyaalad,Kooxeysi,Nin-jecleysi ,Dhuuniqaate.

2 Qoraalkani waa mid aniga oo kaliya igu kooban oo ka hadlaaya dareenkayga Maskaxeen ee Xaalda dalkeena ka taagan Wakhti Xaadirkan.

 

Qoraa,Hadoor, Mufakar,Daaci,Sama-fale,Musharaxa Maayirka Hargeysa ee Mustaqbalka Rashid Sulub Caalin E-maal-sulub2007@yahoo.com..tele telsom 4426781.Somtel 065442781.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here