Shir Wadajir Ah Oo Labada Xisbi Mucaarid Hargeysa Ku Yeesheen Iyo Nuxurka Farriimo Ay U Kala Direen Madaxweynaha, Komiishanka Doorashada Iyo Guddida Dhexdhexaadinta waday
“Madaxweyne, Isku Heli Maysid Hogaamin Iyo Hiirtaanyo, xubnaha komiishankana Waxan leenahay, Iscasila Idinkoo oo qaranka u tudhaya, Uguma horraysaan ee Aniguba Shalay Baan Ahaan Jiray (2007-2008) Oo 2008-dii Baan Iska Casilay.” Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Ku Hadlayay Afka Xisbiyada Mucaaridka
Hargeysa (Hubaal) Labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WDDANI oo markale shalay iskugu yimid kulan ay kaga arinsanayaan khilaafka ka taagan qabsoomid doorashada, gaar ahaan xubnaha cusub ee komiishanka doorashooyinka qaranka, ayaa waxay soo saareen qoddobo arrintaasi la xidhiidha.
Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ku hadlayay afka xisbiyada mucaaridka, ayaa madaxweynaha u soo jeediyey in uu iska daayo waxa uu ku tilmaamay aargoosiga siyaasiga ah.
Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sidoo kale u soo jeediyey guddida doorashada ee muranku ka taagan yahay in ay iscasilaan oo ay qaranka u tudhaan. “Waxa aanu soo jeedinaynaa inay xubnaha komiishanku is casilaan oo ay baneeyaan xafiiska, iyagoo danta qaranka eegaya. Waxaannu ka codsanaynaa inaanay is odhanin ‘haddii xisbiyadii is afgaran waayeen’ ku cad-goosta fadhiga ay joogaan. Waxan u soo jeedinaynaa wax walba danta qaranka ayaa ka weyn, komiishanku kalsoonidiisa waxay ku xidhan tahay saddexda xisbi, haddii kalsoonidii dhaawac gaadhay, si kasta haku yimaadee, waxan leenahay waxba yaan la is jiid-jiidan, waxba yaan qaranku muran intaa ka badan sii galin, waxa ugu hawlyar idinkaa xubnihiiya, waxanu leenahay markaa, baneeya idinkaa xubnihiiya, oo madaxweynuhuna waa kii sheegay inaanu sharci u lahayn kala dirista xubnaha, balse uu soo dhaweynayo haddii ay iskood isku casilaan. Markaa waxan leeyahay iscasila idinkoo madax-bannaan, mana aha wax idinka uun idinku bilaabmay ee aniguba shalay baan ahaan jiray (2007-2008) oo 2008-dii baan iska casilay.” Ayuu yidhi Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlayay shir-jaraa’id oo shalay mucaaridku wadajir ugu qabtay magaalada Hargeysa
Waxa uu boggaadiyey guddidii isku xilqaantay dhexdhexaadinta mucaaridka iyo dawladda, isagoona ugu baaqay inay u guntadaan sidii looga shaqaysiin lahaa go’aamadii ay guddidu ka soo saartay arrinta khilaafka. “Waan ku boggaadinayaa guddida isxilqaantay, hawshii ay galeen, waxaanan leeyahay inay hawsha halkaa ka sii wadaan oo ay u guntadaan hawshaasi hore loogu socon lahaa, go’aankii aad ridaan iyo meelmarintiisii baanu idinka sugaynaa sidii aad uga shaqayn lahaydeen.” Ayuu yidhi Xisri
Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ku hadlayay afka xisbiyada mucaaridka, ayaa madaxweynaha Somaliland u soo jeediyay tallooyin. “Madaxweyne, dalka adiga ayaa ka madaxweyne ah, labana isku heli maysid oo adigoo hoggaamiye qaran ummadeeda inaad noqoto iyo isku heli maysid inaad is tidhaa hebel ka aargooso ama hiirtaanyo qof ama cid aad u qabto inaad is tidhaahdo ku aargooso ama iska celi. Madaxweyne, adiga ayay arrintu miiskaaga taal, adigaa lagaa sugayaa, xilkii qaranku adiguu ku saaran yahay, maalintii isugu kaaya dambaysay ee aanu xafiiska kuugu nimid annagoo xisbiyadii ah, wax furfuran iyo wax aad dhaqaajinayso may muuqanin, waxanu se markale kugu celinaynaa, adiga ayay hawshii kuu taallaa, adigaa u madaxweyne ah, adigaa lagaa sugayaa, adigaanu leenahay haddaad qaban waydo, waa hanta gunteedii uun, markaa waxan madaxweynaha u soo jeedinaynaa, inaanu leenahay go’aankii guddidu gaadhay ee aad tidhi waan aqbalay, fuli adaa lagaa sugayaa oo madaxweyne ah.” Ayuu yidhi
Ugu dambayn, waxa uu ugu baaqay taageerayaasha labada xisbi inay isdajiyaan oo ay ka warsugaan, isla markaana dulqaataan