“laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 19 July 2020 guud ahaan in dalka oo dhan lagaga dhaqmi doono Manhajkan” Wasiirka Diinta iyo Aw qaafta, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed
Hargaysa (Hubaal) Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay si rasmi ah u Daah-furay Manhajka Malcaamadaha Qur’aanka oo ay hirgelisay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, isla markaana ay soo daabacday Shirkadda Buugaagta ee Hemo Books, waxaanu sidoo kale furay Mac-hadka Tabobarka Macallimiinta Maddarasadaha iyo Imaamyada Masaajiddada.
Munaasibad lagu qabtay Mac-hadka Tabobbarka Macallimiinta Maddarasadaha iyo Imaamyada Masaajiddada oo ku yaalla Xarunta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee magaaladda Hargeysa, ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Maamulayaasha iyo Macallimiinta Maddaarista, Mas’uuliyiinta Jimciyadaha ay Maddarasaduhu ku middaysan yihiin, Guddiga Manhajka diyaarisay, Culimo, iyo Hawl-wadeennada Wasaaradda Diinta.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, ayaa ka warbixiyey sida ay Wasaaraddu ugu guulaysatay dejinta Manhajkan iyo hirgelinta Mac-hadka Tabobarka Macallimiinta Maddarasadaha iyo Imaamyada Masaajiddada oo uu sheegay in isla toddobaadkan si rasmi ah Mac-hadkan looga bilaabmi doono Tabobarrada,Agaasimaha Guud ayaa u mahad-naqay Wasiirka Maaliyadda iyo Shirkadda HEMA BOOKS. “Waxaanu samaynay in aanu ka fikirno manhaj, waxaanu u yeedhnay culimaa’udiinka, waxa runtii ka dhashay in la sameeyo guddi ka kooban lix xubnood oo runtii culimada soo xushay waxa ay lix bilood fadhiyeen halkan oo hadh iyo habeen shaqaynayeen. cid nagga caawisay arrintaasi ma jirto aan ka ahayn culimada Somaliland, xagga daabacaadda waxa nagga caawiyey shirkadda HEMO books.” Ayuu yidhi agaasimaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla
Agaasimaha Waaxda Maddaarasadaha iyo Masaajiddada ee Wasaaradda Diinta Sheekh Maxamed Macallin Aadan, iyo Sheekh Maxamed Macallin Ibraahim oo ku hadlayey Afka Guddiga Manhajka samaysay, Sheekh Maxamed Yuusuf oo ku hadlayey Afka Jimciyadaha Maddarasadaha Qur’aanka, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, isla markaana soo dhaweeyeey dejinta Manhajkan oo faa’iido u leh qaranka iyo Machadka Tabobbarka oo ay sheegeen in baahi badan loo qabay, isla markaana wasaaradda ku bogaadiyey hirgelintooda.
Agaasimaha Shirkadda HEHMA BOOKS Xasan Cali, ayaa ka warramay dedaalka ay u galeen wanaajinta Manhajkan oo markii ay Qandaraaskiisa ku guulaysteen shirkad ahaan 2019-kii ay farsamo ahaan waafajiyeen nidaamka Manaahijta loo daabaco, iyaga oo ka duulaya fahamka Bulshadda iyo habka ay u doonaysay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland. “Waxa Hemo ay gacanta ku dhigtay oo ay culayska saartay in manhajkaasi noqdo manhaj qiimihiisuna uu raaligalinayo waalidiinta iyo ardayda, tayadiisuna ay aad u sarayso. Manhaj marka la yidhaahdo, waa sidii warshad oo kale ardayguna wuu soo maraya, muhiimaduna waa arday noocee ah ayaa la helayaa, laakiin waa Alle mahadii, waa wax aad loogu farxo, looguna mahadceliyo wasaaradda diinta iyo awqaafta.” Ayuu yidhi Agaasimaha Shirkadda HEHMA BOOKS Xasan Cali
Wasiirrada Wasaaradaha Horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire, Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi, Maalgashiga Maxamed Axmed Cawad, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, Waxaanay sheegeen inay tahay guul Qaranka u soo korodhay, maaddaama oo uu Qur’aanku yahay Tiir-dhexaadka nolosha Muslimiinta, isla markaana ay waajibna tahay in la weyneeyo Qawlka Eebbe.
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa gebogabadii Munaasibaddaas ka jeediyey Khudbad uu kaga warramay marxaladaha ay Wasaaraddu soo martay, qodobbada ugu waawayn waxyaabaha u qabsoomay tobankii sano ee uu Wasiirka ka ahaa, isagoo xusay inay qoddobadaas ka mid yihiin hirgelinta Idaacadaha Qur’aanka ah ee Radio Hargeysa, helista Dhisme ku habboon shaqada Wasaaradda, samaynta Diiwaangelinta Maddarasadaha Qur’aanka iyo Macallimiintooda, Tabobbarista iyo taakulaynta Macallimiinta, Mu’addimiinta Masaajidda iyo Iimaamyada oo aqoontooda la kaabay, furista Machadka, Samaynta Manhajka Maddaarista iyo qodobbo kale. “Qur’aanka kariimka oo ah hadalkii Illaahay SWT inaynu u fikirno oo aynu habayno waajibaadka ugu qiimaha badan buu ka mid yahay. Runtii waxan u mahadnaqayaa shirkadda HEMO oo runtii dedaalka ay ku bixisay manhajkaasi sidii ay isagoo qurux badan innoogu keeni lahaayeen, waxa kale oo iayaguna marnaba aan la ilaawi karayn Culimadeena manhajka diyaarisay oo maskaxdoodii, muruqoodii iyo maalkoodiiba geliyay ee innoo diyaariyey.”
Wasiirku wuxuu Maamulka iyo Macallimiinta Maddarasadaha u soo jeediyey inay dhaqangeliyaan Manhajka ay Wasaaraddu u diyaarisay oo aanay jirin cid dhaqaale ahaan Somaliland ka caawisay. “Waxaan halkan baaq ugu dirayaa guud ahaan macallimiinta quraanka iyo cidkasta oo ka shaqaysa qur’aanka kariimka ah, in ay hirgeliyaan manhajkan maanta inna horyaala, sidoo kale laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 19 July 2020 guud ahaan in dalka oo dhan lagaga dhaqmi doono manhajkan isaga ah. Illaahay waxan ka baryaa inuu manhajkeenan innoo barakeeyo.” Ayuu yidhi wasiirku
Ugu Dambayn Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu waxa uu Shahaado-sharaf iyo Abaal-marin ay Mas’uuliyiinta Wasaaradiisu ku maamuuseen guddoonsiiyey Wasiirka Horumarinta Maaliyadda iyo Maamulka Shirkadda Manhajka soo daabacday ee Hemo Books oo si hagar la’aan ah ula shaqeeyey Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, waxaana Munaasibaddaa lagu qaybiyey Buugaagta Manhajka.