Madaxweyne-ku-xigeenka Oo Iclaamiyey In Waddanku Galay Xaalad Abaareed Oo Aan La Sii Eegan Karin

0
24

Saylici

Hargeysa:(Hubaal)-Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shaaca ka qaaday inuu dalku galay xaalad abaareed oo adag, isla-markaana baahi weyn loo qabo in si degdeg ah loo gurmado.

Madaxweyne-ku-xigeenka oo socdaal ku joogay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa tilmaamay in xaaladda abaareed ee waddanku si aad ah uga sii dartay, waxana uu xusay inay gaadhay heer aan lasii eegan Karin.

Saylici oo iclaaminaya inuu waddanku galay xaalad gurmad qaran loo baahan yahay, ayaa waxa uu yidhi, “waxan ku dhawaaqayaa inuu maanta dalkeenu u baahan yahay gurmad qaran, dhibaato xoog ah baa jirta, abaartiina sidii la filayey way ka qaro weyn tahay, iyada oo horeba madaxweynuhu ugu dhawaaqay  waxan mar labaad adkaynayaa in degdeg loogu baahan yahay gurmad qaran.”

Waxa uu hoosta ka xarriiqay in gobollada afarta ah ee abaartu sida xun saamaynta ugu yeelatay oo ah kuwa bariga wixii caawimo loo hayo la gaadhsiin doono maalmaha soo aaddan, isla-markaana gacmaha la isu wada qabsan doono sidii dadkaas loo caawin lahaa,“caawa ilaa  berri afarta gobo lee usii daran wixii hore loosoo gaadhsiiyey mooyaane intii hadhay waa lasoo gaadhsiinayaa, tii aynu abaartii hore kaga baxnay mid lamid ah ayeynu kaga baxaynaa inaga oo gacmaha is haysanna.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici.

Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu bulshada reer Somaliland gudo iyo dibadba ka codsaday inay si hagar la’aan ah ugu gurmadaan dadka abaartu taabatay, isaga oo farriin gaar ah u diray ganacsatada, qurbejoogta iyo dadka wax haysta in looga baahan yahay inay dadkaas il gaar ah ku eegaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here