Madaxweyne Ku-Xigeenka Oo Ka Hadlay Shakhsiyaddii Ruug-Caddaa Kasoo Qayb Qaatay Horumarinta Qaranka Oo Maanta Geeriyooday

0
29

Waxyaabaha lagu xasuusto waxaa kamid ah Dhismihii Gegida Kubbeda Cagta ee Hargeisa Stadium

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN: Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil  (Saylici) ahna ku-simaha Madaxweyne Somaliland, wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay  ALLA ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Samatar (Bidixle) oo maanta (05.10.2016) ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Marxuumku wuxuu ahaa oday rug-cadaa ah oo si weyn uga soo qayb qaatay dib u dhiskii dalka, gaar ahaan xagga Nabadgelyada iyo horumarinta Bulshada. Marxuumka waxyaabaha lagu xasuusto waxaa ka mid ahaa dhisma Hargeisa Stadium. tacsi taa la mid ahna waxa uu madaxweyne ku xigeenku u dirayaa Maayar ku xigeenka Caasimada Hargeysa oo marxuumku sodogii ahaa. Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

    Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

saylici1

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here