Waxaa Uu Ganacsatada Ugu Hal-qabsaday Aasaasaha Wershad Wax-soo-saarkeedu Daboolay Baahidii Dalka Dibadiisa Loo Tegi Jiray
“Waxaannu Ku Taamaynaa In La Dhiiri-Geliyo Abuurista Fikradaha Cusub Ee Maalgashiga [Maadaama] Ay Wadankeena Yaallaan Fursado Badani”
Hargeysa (Hubaal)- Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in xukuumad ahaan iyo xisbi ahaanba ay ka go’an tahay sidii looga midho dhalin lahaa qorshaha horumarineed eelagu maalgashanayo dalka iyo sidii loo dhiirigelin lahaa maalgashiga Muwaadiniinta reer Somaliland maadaama oo ay dalka yaallaan fursado badan oo u baahan ficil in la raaciyo. Cabdiraxmaan Saylici oo maalintii shalay khudbadka jeediyey xaflad lagu daah furayay waxsoosaarka mid kamid ah wershadaha ay Muwaadiniinta reer Somaliland ka hirgeliyeen dalka, taasi oo samaysa taangi biyoodka oo uu madaxweyne kuxigeenku xadhiga ka jaray ayaaa waxaa uu sheegay inmar kasta laysku tashado oo wixiitamar ah ee muwaadinku qabankaro aan lagu muquunin waxsoosaar dibadalaga soo waarido.
Xafladda lagu daah furayay warshada samaynta taangiyada biyaha ee Gamuur Plastic factory, oo laga hirgeliyay Waqooyiga magaalada Hargeysa, gaar ahaan Xaafada Sheedaha ayaa madaxweyne ku xigeenka oo isagu xadhiga ka jaray waxaa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay warshadan cusub ee lagu soo kordhiyay dalka, isla markaana ay xukuumad ahaan soo dhawaynayaan maalgashiyada noocan oo kale ah, gaar ahaan maalgashiga muwaadiniinta reer Somaliland. “Maanta farxad weyn ayay noo tahay, walaalkeen oo muwaadin ah oo dalka ku soo kordhiyay maal-gelin iyo fikrad cusub, in aynu u hambalyayno, marka labaad-na waxaan leeyahay ILLAAHAY ha u barakeeyo, hana ku guuleeyo oo ILLAAHAY ha gaadhsiiyo halkaa uu ka bilaabay meel ka sarraysa,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku. Md. Cabdiraxmaan Saylci waxa kale oo uu intaa raaciyay “Haddii aanu nahay xukuumadda maanta joogta, waxaannu ku taamaynaa in la dhiiri-geliyo maalgashiga, gaar ahaan maal-gashiga muwaadininta, wixii awoodeenna ka baxsanna aynu soo jiidano maal-gashiga caalamiga ah, sababta oo ah waddankeennu waa wadan curdin ah oo ay yaalaan fursado badan, markaa waxaa loo baahan yahay sidaa walaalkeen Daahir MAxamed Gamuur oo kale in lagu dhiirado abuurista fikradaha cusub ee aynu u baahan nahay.”