Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Xadhiga Ka Jaray Warshad Soo Saari Doonta Taayiradda (Hargeysa Tyres Factory) Oo Hargeysa Laga Hirgaliyey + SAWIRRO

0
51

Hargeysa,(Hubaal)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa shalay xadhiga ka jaray warshad cusub oo saari doona Taayiradda gaadiidleyda.

Warshadan cusub ee Hargeisa Tyres Factory ayaa laga hirgaliyey duleedka Galbeed ee magaaladda Hargeysa, taas oo soo saari doonta Taayirada kala duwan ee Baabuurta, waxaana munaasibadda xadhig ka jarista warshadan ka soo qaybgallay madaxweyne kux igeenka, wasiirka Ganacsiga, xildhibaano iskugu jira Wakiiladda iyo golaha deegaanka, Madax dhaqameed, ganacsato iyo marti sharaf kake.

DSC03480Ugu horeyn waxa sharaxay warshadan cusub waxay soo saari doonto maamulaha warshadan ahna mulkiilaha warshadan cusub  Yuusuf Axmed Ducaale, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Warshaduhu waxay ka mid yihiin waxyaabaha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha kor u qaadda, waxay aduunyaddu isku dhaaftay waa warshadeyn oo dhaqaalaha ku xidhan iyo wax soo saarka gudaha,

Waxa lagu xisaabtama maxaad soo saarta ee aad soo dhoofisaa, wax soo saarku guduhu waxa uu leeyay markaynu soo koobno laba qaybood oo waaweyn:

1.Waa midda hore waxa uu baajiyaa lacagta adag ee dibadda wax lagaga soo iibsado.

2.waxa ku soo xareeyaa lacag adag oo markaad wax dhoofiso lacg adag ayaa ku soo galaysa marka laga hadlayo koritaanka dhaqaalaha laguma xisaabtamo cashuuraha kastamada waxa xisaabtanka dhabta ahi yahay maxaad dhoofisay maxaad baajisay, marka labadaasi suural noqdaan ayuu dhaqaaluhu kor u socdaa.

DSC03508Siddaas darteed waxa ugu muhiimsan ee wadankeenu u baahan yahay waa warshadeyn, taas oo ka dabooli karta xaga shaqo la’aanta iyo xaga horumarka marka baahiddeenu waa in la wajaho warshadeyn, taas oo xaga dawladda looga baahan yahay dhamaystirka shuruucdeedda iyo taageeradeeda, dhinaca ganacsatada waxa looga baahan yahay inay ku dhaqaaqaan saameynta warshadha wadanka oo hawl inaga maqan ah.

Sidaas awgeed, anagoo tixgalinayna arimaha aan kor  ku soo xusnay, waxaanu iska daynay inaanu bilow u noqono warshadahaa noocan oo kale ah kuna dhaqaaqnay.

Waxanu idinku wargelinaynaa halka marayso talaabooyinkan aanu qaadnay iyo waxyabaha aanu ugu baahanahay dawlada iyo dhinaca dadweynahaba.

Wax soo saarka warshaddu waa 16 saacadood waxay soo saarta54 taayir, sideeddii saacadoodna 30 midh, taas oo aanu doonayno inaanu libin laabno, oo aan gaadhsiino, wax qabadkuna waxa uu ka muuqda halka uu maanta marayo.

DSC03493Waxaanu doonayna inaanu qabano mustaqbalka inaanu laba, saddex iyo afar laabno wax soo saarka warshadaha tiro iyo tayaba. Hadaba, waxaanu uga baahanahay dawlada inay dhiirigaliso, tanaasulaada iyo dhamaan waxyaabaha ay u baahan yihin warshaduhu, dhinaca dadweynaha, waxa looga baahan yahay inay tixgliyaan wax soo saarka dalka, oo aanay meel kale ka raadsan waxay dalka ka heli karaan, sidoo kale, waxaanu dhiirigalinaynaa gaar ahaan ganacstada inay ku dhiiradaan warshadaha, noocyada kala duwan leh, si uu ruqaansado dhaqaalaha dalku.”

DSC03509Wasiirka wasaaradda Ganacsiga Muuse Qaasim ayaa isna soo dhoweeyey warshadan cusub ee Taayiradda soo saarta, waxaanu yidhi “warshadani waa mid loo baahnaa oo gaadiidku aad bay inoogu soo batay, Taayiraduna waa mid loo baahna waxayna ahayd fikrad cusub, warshadaha aadka loogu baahan yahay ayey ka mid tahay,waxyaalaha inoogu badan isticmaalkkeeda waxa ka mid ah shiidaalka, dawooyinka iyo Taayiradda, dawladuna cashuur dhaaf ayey u samaysa qalabka warshadaha, aadna waa loo dhiirigaliyey in la maalgashaddo wadanka, shuruucdii warshadaha wuu ka gudbay golaha wasiirada oo wuxu horyaalla golaha Wakiiladda, muhiim ayey warshaduhu u  leeyihiin dalka oo shaqo abuur ayaa ka dhasha, oo dhaqaale ayey soo saaraan wadanka kor bay u qaadaan” Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo soo xidhay munaasibadan ayaa soo dhoweeyey furitaanka warshadan cusub ee Taayiradda,waxaanu yihdi “wax soo saarku wuxuu inoo yahay farxad, waxaan leeyahay waan u hambalynaya Yuusuf iyo fikradan cusub oo ah mid loo baahnaa,, ilaaahay ha u barakeeyo, dawladdayadu waxay ku taamaysa ama dhiirigalinaysa maalgashiga, gaar ahaan muwaadiniinta, wixii awoodda ka baxsan aynu soo jiidano maalgashiga caalamiga ah, waayo wadankeena fursado badan ayaa yaala oo dhaqaale iyo aqoonba u baahan, in qofku ku dhiiraddo inuu fikir cusub abuuro oo wax cusub la yimaaddo, waxa kale oo loo baahan yahay in wax la isku geeyo oo dadku lacagta isku darsadaan si wax u maalgashadaan isku tagaasaa ayaa inaga dhiman, wax la moodaa in aynu weli qof qof u socono, waxaynu wax ku tarayna in aynu intii isku fikrad noqota wax isku darsadaan, diyaarna waanu u nahay wixii nala qaban karo in aanu la qabano, waxaana dawladu ka go’an qofka maalgashanaya dalka inuu qalabkiisu cashuur dhaaf yahay iyo in saddexda sanno ee uu cagaha dhiganayo cashuur laga qaadin illaa la ogaanay in shirkaddii la ogaanayo inay cagaheeda isku taagi karto, meesha aynu joogna waxa suurogal ah in toban qof ku noolaanayan toban kale si dad badan uga helayaan masruuf, marka warshaduhu waxay abuuraan shaqooyinka inagu waxaynu u baahanahay in dadku shaqo helaan, dawladuhu waxay wax ka helaan wax soo saarka warshadaha ee cashuurta kastamadu wax joogto ah maaha”

DSC03512DSC03568 DSC03512Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Ugaad Xawaareeye,Eng:Axmed Warsame, Xildhibaan Xasan Cawaale iyo madax kale kuwaas oo dhamaantood soo dhoweeyey warshadan cusub ee Taayiradda ee Hargeysa laga hirgaliyey.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here