HUBAAL RADIO: Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici Ayaa Saaka Shirjaraa’id Ku Qabtay Madaxtooyada.
Madaxweyne ku xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo saaka shir jaraaid ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sheegay inay Xisbiyada qaranka u fidinayaan shir wadahadal oo lagaga arinsanaayo khilaafka siyaaseed ee ka taagan muddo kordhintii ay sameeyeen golaha guurtidu, waxaana uu xusay Madaxweyne ku xigeenku in 20-bishan laysugu iman doono shirkaasi wada tashi ka dib xuska maalinta qaranimada somalind ee 18-ka may , Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayaa hoosta ka xariiqay in umada Somaliland caan ku tahay wada tashiga islamarkaana ka xukuumad ahaan ugu baaqayaan asxaabta qaranka shirkaasi wada hadal.
Madaxweyne ku xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo saxaafadu su,aalo ka waydiisay waxa keenay dib u dhaca doorashada iyo sababta wakhtigan kaliftay iclaaminta shirkaasi ee hore laysugu iman waayey ayaa isagoo ka jawaabaya wuxuu sheegay, in dib udhaca doorashadu sababtay cilad farsamo islamarkaana ka dib soo jeedintii komishanka doorashooyinka ka dib la bilaabay wada hadalo iyo wada tashi balse uu ka baxay xisbiga wadani, Madaxweyne ku xigeenka sidoo kale wuxuu daboolka ka qaaday in golaha guurtidu dastuuriyan xaq u leeyihiin mudo kordhinta wallow aanay mudadii komishanka waxba dhaafin marka laga reebo 4-biloodh oo ay dhaafiyeen mudadaasi danta qarankuna ku jirto.
HALKAN GUJI OO DHAGEYSO CODKA MADAXWEYNE KUXIGEENKA