“…Dhakhtarka Ihh Oo Aan U Arko Gurmad Illaahay Inoo Soo Diray Oo Wax Weyn Ka Beddelay Caasimadda, Waayo Waxaan Ku Arkay Mishiinno Qaalli Ah Oo Aan Geeska Afrikaba Oollin”
Hargeysa (Hubaal)- Ku simaha Madaxweynaha Somaliland Ahna Madaxweyne ku xigeenka JSL Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Seylici) Ayaa Cusbitaalka International Hospital ee xaafadda Calaamadaha ee Caasimadda Hargeysa ku booqday Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo Maalmihii u dembeeyey xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayay cusbitaalkaas kadib markii uu xanuun ku soo booday.
Booqashadan Madaxweyne ku xigeenka oo ay ku weheliyeen xubno kamid ah golaha xukuumadda, madax dhaqameed iyo hawl wadeeno kale ayaa markii uu dul tegey sariirta uu suldaanku jiifay waxa uu ka waraystay xaalladiisa caafimaad, kaasoo suldaankuna uga warramay sida uu yahay iyo xaalladiisu halka ay marayso haatan isla markaana ay aad u kala fog tahay caafimaad ahaan markii la soo dhigay cusbitaalkan iyo immika [Waqtiga Madaxweyne ku xigeenku booqday].
Md. Cabdiraxmaaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), oo halkaasi kahadlay ayaa u duceeyey suldaanka iyo dadka kale ee xanuunsanaya isaga oo illaahay uga baryay inbisha barakaysan ee ramadaan Awgeed uu illaahay xanuunka ka dul qaado “Waxaan Illaahay ka baryaynaa in soonka barakadiisa uu ku shaafiyo, Illaahoow shaafi bukaankayaga oo suldaanku ka kow yahay ” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenku.
Geesta kale Madaxweyne ku xigeenku waxa uu u mahad celiyey Masuuliyiinta iyo maamulka Cusbitaalka International Hospital isaga oo ku ammaanay adeega heerka sare ah ee ay bukaanka cusbitaalka jiifa u sameeyaan oo uu ugu horeeyo Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani “Marka labaad waxaan u mahad naqayaa qoladan dhakhtarka IHH ee ay maal gelisay dawladda Kuwayt oo runtii aan u arko gurmad illaahay inoo soo diray, waayo suldaanka sidii la ii sheegayay afar iyo labaatan saac ka hor siduu ahaa iyo maanta sida uu yahay ee uu marayo waa gurmad ilaahay inoo soo diray baan odhan karaa, aad iyo aadna waan u hambalyaynayaa Dhakhtarka International Hospital oo wax weyn ka beddelay caasimadda, waxaanan rajaynayaa in uu wax badan oo kale sii kordhiyo” sidaa ayuu yidhi Md. Saylici oo intii uu booqashada suldaanka ku jiray kormeer kala duwan ku soo maray laamaha kala duwan ee cusbitaalka, isaga oo warbixinno ka dhegeystay maamulaha guud ee IHH Dr. “Intii aan kormeerka ku marayay laamaha kala duwan ee cusbitaalka waxaan ku arkay mishiinno qaalli ah oo aan geeska Afrikaba oollin iyo waxyaabo kale oo horumar ah oo ay sameeyeen aad iyo aadna waan uga mahad naqayaa xilka ay iska saarayaan ummadda inay u adeegaan” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenku.