Madaxweyne ku xigeenkii u Horreeyey Ee JSL Oo Marin Haboon Ka Istaagay Hoobiyaha Lagu Soo Tuuray Qaddiyada Somaliland

0
28

Waxa Uu Labada Gole Ee Fulinta iyo Sharci-dejintu U Hoga-tusaaleeyey Tallaabada Lagaga Jawaabi Karo Hadal-haynta WIKILEAKS

Hargeysa (Hubaal)- Madaxweyne ku xigeenkii u horeeyey Ee Jamhuuriyadda Somaliland Muj. Xasan Ciise Jaamac Ayaa Markii U Horeysay ka hadlay sugnaanshaha Fadeexadaha la weriyey in degelka Wikileaks Ku faafiyey in xukuumadda Somaliland ay maamulka Soomaaliya kala shawrtay soo celinta midnimadii lagu hungoobay ee Soomaaliweyn. xasan ciiseMuj. Xasan Ciise oo xalay war murtiyeed uu ku saxeexan yahay soo gaadhsiiyey xarunta Wargeyska Hubaal ee Magaallada Hargeysa, waxa uu tallooyin la xidhiidha arrintan jiritaankeeda iyo ka sal gaadhideeda u soo jeediyey golaha fulinta (Xukuumadda) iyo golaha sharci-dejinta (Baarlamaanka) isaga oo farta ku fiiqay sida ugu habboon ee lagu hubsan karo wararka Wikileaks ay hubaal yihiin iyo in ay hadal tiro yihiin, isla markaana laga gun gaadho warqadda la sheegayo in Somaliland qalinka ku duugtay. Xasan Ciise Waxa uu hogotusaaleeyey qiimaha ay qaddiyadan Somaliland ee Qoraalku nasakhayaa ku joogto ummada reer Somaliland, taasina ay u baahan tahay in si lab la kac ah aan laysugu durin balse la dhugto farriinta looga gol leeyahay.  War murtiyeedka Xasan Ciise Jaamac oo cinwaan looga dhigay Wararka Wikileaks ee Sheegaya In Somaliland lagu daray Somaliya iyo tallaabada ku haboon, isaga oo dhamaystiranina waxa uu u qornaa sidan: “Arrinta lagasoo weriyay wikileakes ee sheegaysa in wasiirro ka tirsanaa xukuumadda Somaliland ay galeen heshiisyo Somaliland ka dhigayaa gobal ka tirsan nidaamka fedaraalka ee Somalia, haddii ay rumowdo, waxa weeye khiyaamo qaran tii ugu darayd ee wadankan soo marta intii la soo celiyay madax banaanida Somaliland tan iyo may 1991. waxaa layaabka leh in eed itaas le’eg aanay ilaa imika xukumada Somaliland ka soo saarin wax war ah oo rasmi ah oo dadka u cadaynaya sida ay wax u jiraan!. Culayska ay arrintani leedahay awgeed iyo sida ay xukuumadani uga aamustay waxay lama huraan ka dhigayaan in si deg dega la isugu yeedho baarlamaanka ooy fadhi qayru caadiya isugu yimaadaan. Baarlamaanku waa in uu sugaa sida ay arintani wax uga jiraan kana joojiyaan xukuumada wax kasta oo kale inta arintan gunteeda la soo xaadhayo. hadii arintani sugnaato waa in la isugu yimaado shir qaran oo go’aanka ku haboon lagu qabto, maxkamad gaar ahna lagu saaro cida ay khusayso.” Ayaa Madaxweyne ku xigeenkii u horreeyey ee JSL Muj. Xasan Ciise Jaamac ku soo xidhay war murtiyeedkiisa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here