“Madaxweyne ku xigeenku Wuxuu Yidhi Hala Bedello Khasnajiga Ciidanka Ilaallada Madaxtooyada, Haddii Kale Waan Is Casillayaa”

0
34

“Cabdiraxmaan-Seylici Waa Ninka Oodda U Rogaya KULMIYE, Haddii Uu Sii Joogo-na, reer Awdal Dooran Maayaan…”- Xil. Xasan Cawaalle Caynaan

Hargeysa (Hubaal– Guddoomiyaha guddida arrimaha bulshada ee golaha wakiillada Somaliland Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ku eedeeyay inuu dedaal ugu jiro sidii Shaqada looga caydhin Laba Xiddigle Maxamed Cabdi Yoonis oo ah Khasnajiga Ciidammada ilaalada Madaxtooyada.qosol

Xildhibaan Xasan Cawaale oo Shalay saxaafadda kula hadlay hotel-ka Lake Asal Ee magaallada Hargeysa, ayaa sheegay in Madaxweyne ku-xigeenku doonayo in khasnajiga Ciidammada ilaalada Madaxtooyada lagu beddelo Qof ay isku Beel yihiin, isagoo intaa ku daray in Saylici ku andacoonayo in Booska khasnajiga ilaalada Madaxtooyada ay Beeshiisu Xaq u leedahay. Xildhibaanka oo Arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Waxaan Cambaareynayaa Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland oo yidhi hala beddello Qasnajiga Ciidammada ilaalada Madaxtooyada, Meesha Annagaa lehe. Waar Madaxweyne ku-xigeen baynu u dooranay ee ma Qabyaalad bay u dooranay. Saylici waxa lagu yidhi iska daa’ Inanka Khasnajiga ah, dabadeedna wuxuu yidhi waaban is Casilayaa haddaan Khasnajiga Ciidammada Madaxtooyada la geynin Nin Maxamed-case ah.”

Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, waxa uu sheegay in Madaxweyne ku-xigeenku Awood u waayay inuu mideeyo Beelaha Awdal, “Ninkaa Madaxweyne ku-xigeenka ka ah Somaliland waa Ninka mideyn kari waayay Gobolka Awdal, waayo? Mar walba wuxuu is-taagayaa Maxamed-Casse ayaan ahay, ma kaasaa Jamhuuriyadda Somaliland hoggaamin karaya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Waa Ninka oodda u rogaya KULMIYE, hadduu sii joogana Cid dooranaysaa ma jirto, haddii uu Musharraxa Madaxweynaha ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi U noqdo Madaxweyne ku xigeen, waxaan leeyahay reer Awdal Cidi dooran mayso. Waxaan leeyahay Madaxweyne ku-xigeen Qabyaaladdaadii way faro badatay, Lexejecladaadii way fara-badatay.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here