Hargeysa(Hubaal):- Madaxweyne Ku-xigeennadii hore ee Somaliland soo maray, ayaa Qado-sharaf ku maamuusay Saddexda Musharrax Madaxweyne ee ku tartamaya doorashada Madaxtooyada ee dalka ka qabsoomaysa 13-ka bishan aynu ku jirno oo ku beegan Isniinta toddobaadkan, waxaana kulankaa Qadado ahaa laga soo jeediyey Hadallo Talooyin iyo Waano ah.