Madaxweyne Mar-Labaad Noo Dalacsii!!!!!!!!

0
35

Waxaan halkan amaan iyo bogaadin aan la soo koobi Karin ugu dirayaa Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Ahmed “ Xaglo-toosiye” oo dadaal iyo juhdi badan galiyey, siduu ugaga illaalin lahaa shayaadiinu Insigii beenta iyo balaayadda kula dhex-wareegayey dadka walaalaha ahaa ee wada-degganaa deegaaka buuhoodle.

Mudooyinkii uu hayey xilka wasiirnimo, waxa uu muujiyey dadaal badan oo ay ku dheeh-naayeen geesinimo iyo fir-fircoonidii uu guure iyo galab-carrow ugu jiray horumarka iyo midnimadda Somaliland.

Marka laga yimaado xukumadda oo ku bixisay dadaalo badan oo qaatay muddo-dheer oo walina ku hawlan sidii meesha looga saari lahaa tabashooyinka ka jira  deegaamadaas,  isla-markaana, la gaadhsiiyey markii ugu horeysay in laga hirgaliyo nidaamka diiwaan galinta cod-bixiyayaasha ee ay ku dhisan yihiin mabaadiida iyo nidaamka geedi socodka dimuquraadiyad Jamhuuriyadda Somaliland.

madaxweyne-axmed-siilaanyo-aftahannewsDadaaladiisaasi kumay koobnayn intaasoo kaliya, balse, waxa kale oo uu kor-uqaaday Dhamaan 316-goobood  oo ah goobaha adeegyadda caafimaadka bulshada oo ka kooban cusbitaalo, xanaanooyinka hooyadda iyo dhalaanka (MCH), goobo caafimaad (Health Post), oo dhamaantoodba bulshadu ka hesho adeeg caafimaad oo hufan, kana hawl-galaan shaqaale tiradoodu ka badan tahay 2569- shaqaale ah, oo  iskugu jira Dhakhaatiir, kal-kaaliyayaal caafimaad, umulisooyin, shaqaale caafimaad iyo shaqaale kale ee caadiga ah, kuwaasoo dhamaan toodba si daacad ah oo hawl-karnimo leh u guta waajibaadkooda shaqo, isla-markaana si hufan u gaadhsiiya adeega caafimaadka ay u hayaan bulshaddooda.

Inkastoo, ay addag tahay kala garashada labada fiidyo-cawl, haddana waxaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ka codsan lahaa mar-labaad inuu noo dalacsiiyo wasiir “xaglo-toosiye”  taas, adigoo abaal-marin ugaga dhigaya wax-tarka iyo harumarka uu soo gaadhsiiyey dadkiisa, dalkiisa iyo Wasaaradda Caafimaadkaba.

W/Qoraa.  Maxamed Faarax Qoti

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here