Barkhad Jaamac Xirsi Oo Dhaliilay Xukun min Laba Sanadood ah oo lagu xukumay laba Qof oo Lagu Eedeeyey In Ay Xadeen Wiil yar
Hargeysa (Hubaal) – Xoghayaha Cadaaladda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Barkhad Jaamac Xirsi oo shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa dhaliilay Hannaanka Garsoorka Dalka. Xoghaye Barkhad wuxuu sheegay in Muddada Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Biixi Talada Dalka hayso siyaabo kala duwan loo xidhay Muwaadiniin, isagoo Tusaale u soo qaatay Saddex Qof oo Naafo ah oo uu sheegay in Xadhig loogu xukumay inay Mudaharaadeen. Waxa kale oo uu Dhaliilay Xukun min Laba Sanadood ah oo lagu xukumay laba Qof oo xaday Wiil yar, halka Dhowr Qof oo Xayawaanka Diinka xadayna lagu xukumay Xukun intaa ka dheer, arrintaasi oo uu tilmaamay inay Meel ka dhac ku tahay Xuquuqda Aadamaha, maaddaama oo Dadkii Xayawaan ay ugaadhsadeen loo qabtay uu xukunkoodu ka dheeraaday kuwii Qofka Xaday ee doonayey inay ka Ganacsadaan. Xoghayaha Cadaaladda ee Xisbiga WADDANI Mr. Barkhad Jaamac Xirsi wuxuu farriin u diray Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi “Madaxweynaha waxaanu ugu baaqaynaa wixii aad lahayd Sharcigaa saraynaya (ayaa loo baahan yahay), Waayo? Sharcigu inuu sareeyo iska daayoo saddexdii bilood ee u dambeeyay xuquuqdii Bani-aadamka ayaa lagu tuntay, hadday sidani sidani sii socotana kacdoon Shacab baa abuurmaya. Waxaanan leennahay Madaxweyne, Masas-baa Ka Buuxa Maxkamadaha.”