Madaxweyne, Miisaaniyadda Qaranka ha Loogu Daro Ciidammada Direys Sannadle Ah

0
134

Marka hore, waxaan Hambalyo iyo dhiiri-gelin u gudbinayaa guud ahaan Ciidammada Dalka, waxaanan ku hambalyeynayaa Gudashada waajibaadkooda ah ilaalinta Nabadgalyada Dalka, gaar ahaan waxaan Hambalyo iyo Dhiiri-gelin u gudbinayaa Ciidammada Qaranka Sannad-guurada 25-aad ee aasaaska Ciidammada Qaranka laga joogo, waxaanan leeyahay Iisha Allaahu sannadkan sannadkiisa ku gaadha guul iyo horumar.

Intaas  haddaan kaga gudbo Hambalyada guud ahaan Ciidammada Dalka iyo gaar ahaan Ciidammada Qaranka, waxaan u soo jeedinayaa Madaxweynaha Qaranka Md. Muuse Biixi Cabdi qodob muhiim u ah Ciidammada Qaranka, qodobkaasi waxa il-duufay dhammaan Xukuumadihii iyo Madaxweynayaashii kaa horreeyay Madaxweyne, qodobkaasina waxa weeye in Miisaaniyadda Dawladda loogu daro Ciidammada Dalka Direys Sannad leh, sidaasi awgeed Mudane Madaxweyne adigoo xog-ogaal u ah dhismaha Ciidammada Dalka iyo Marxaladihii ay soo mareen, waxaan Madaxweyne kuu soo jeedinayaa in Miisaaniyadda Dawladda ee 2018 aad ugu darto Ciidammada Agab Direys oo Sannad leh, haddii Alle yidhaahdo.

Wa Billaahi Towqiif

Qalinka: Mowliid Aadan Cumar

Hargeysa/Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here