“Horto deeqda iyo adduunka siisan mayno gobonnimadayada iyo rabitaanka dadkayaga, waxana aanu go’aansannay inaanu dawlad gaar ah oo madax bannaan noqono, markaa Yurub iyo Maraykan baa lacag qaybinaysa nooma taalla haddaan annaga toos naloo siinaynin, ma qaadanayno san-dareero cid noo soo marta, waayo wax lacag ka badan baanu u hurnay gobonnimada iyo dalka in dib loogu soo celiyo halkii uu lixdankii joogay.” Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi
Hargeysa (Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si faah-faahsan uga hadlay, shirkii dhawaan lagu soo gebo-gebeeyey magaalada Brussels ee xarunta dalka Beljamka ee lagaga hadlayey arrimaha Soomaaliya, nabadaynta lagu turxaan-bixinayo beelaha walaalaha ah ee ka socota degmada Ceel-afweyn iyo doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee sanadka soo socda dalka ka qorshaysan.
Ugu horrayn madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu bulshada u sharraxay ujeeddada shirkii dhawaan kusoo dhammaaday dalka Beljamka iyo ciddii lagula hadlayey, isaga oo hoosta ka xarriiqay inuu shirkaasi ahaa mid aan u qalmin inay Somaliland ka qayb-gasho, islamarkaana aanay marnaba Somaliland ka xaadiri doonin madal meeqaamkeeda iyo dawladnimadeeda waxyeello ku ah, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Shirka Brussels waxa loo qabtay Soomaaliya, iyagaa loo qabtay, iyagaa lagula hadlayey, meelna kumaynaan lahayn, qaabkii loo qabanayeyna weynu isku diidnay, waayo dawladaha qabanayey waxa ay doonayeen inay u arkaan inay Soomaaliya mid tahay. Shirkaa waxa la yidhi waxa lagu qaybinayaa deeq oo waxa la yidhi lacagaa lagu qaybinayaaye maxaynu uga hadhaynaa, horto deeqda iyo adduunka siisan mayno gobonnimadayada iyo rabitaanka dadkayaga, waxana aanu go’aansannay inaanu dawlad gaar ah oo madax bannaan noqono, markaa Yurub iyo Maraykan baa lacag qaybinaysa nooma taalla haddaan annaga toos naloo siinaynin, ma qaadanayno san-dareero cid noo soo marta, waayo wax lacag ka badan baanu u hurnay gobonnimada iyo dalka in dib loogu soo celiyo halkii uu lixdankii joogay.”