Madaxweyne Muuse Biixi Oo Laga Sugayo Fulinta Kiiskii Marxuumad Ugbaad Cali Cabdilaahi Ee Balanka Ku Qaaday

0
19

Maxkamadda Gobolka Togdheer ayaa Xukun Dil ah Ku ridey gacan-ku-dhiiglihii kufsiga iyo dilka u geystay Marxuumad Ugbaad Cali Cabdilaahi

Burco-(Hubaal)-Maxkamadda gobolka Togdheer ayaa shalay dil toogasho ah ku xukuntay Sakariye Cabdi Yuusuf, oo la sheegay in lagu helay dambi ah in uu Kufsi iyo dil u gaystay Marxuumad Ugbaad Cali Cabdilaahi, oo ahayd gabadh dhallinyar ah.

Ugbaad Cali Cabdilaahi oo ahayd Hooyo saddex carruur ah haysatay ayaa kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Burco, waxaana eedeesanaha  kiiskaan lagu xukumay uu hore u qirtay inuu isaga ka dambeeyay falkaan. Ninkan ayaa booliiska isku dhiibay kadib markii uu u sheegay inuu isagu falkaas ka dambeeyay.

Warbixino hore loo baahiyay ayaa sheegayay in marxuumada iyo dambiilaha falkaan geystay ay isku guri degnaayeen, balse qoyska gabadha ayaa beeniyay inuu jiray xidhiidh u dhexeeyay labadooda.

Madaxweyne Muuse Biixi oo dhawaan maruu ka qaybgalay qalinjebinta jaamacada Burco, waxa uu munaasibaddaasi ka sheegay inuu si degdeg ah u fulin doono marka ugu horretysa ee uu soo gaadho xukunka gacan-ku-dhiiglaha dilka u geystay Ugbaad Cali Cabdilaahi oo ka mid ahaan lahayd ducfadii sanadkan ka baxday jaamacada Burco oo ay wax ka baran jirtay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here