Madaxweyne Muuse Biixi oo Magacaabay Afar Safiir Iyo Mareeyaha cusub ee Haamaha Shiidaalka Berbera

0
9

Hargeysa(Hubaal)- Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi, ayaa  maanta magaacaabay afar danjire oo cusub iyo maareeyaha cusub ee Haamaha shiidaalka Berbera oo toddobadkan xukuumaddu kala wareegtay shirkado ganacsi oo hore loogu wareejiyey.

Wareegtadaasi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Hubaal waxay u qornayd sidan:-

Magacaabid:

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi, Waxaan Go’aamiyey In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:

1.Baashe Cawil Cumar Wakiilka Somaliland ee Dalka Kenya

2.Xasan Hirad Yaasiin, Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta

3.Bashiir Sheekh Cumar Good, Wakiilka Somaliland ee Dalka Maraykanka

Cabdillaahi Cabdi Cali (Dhakaar) Ergayga Gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan Urur Goboleedka Horumarinta iyo Xidhiidhka Bulshada Bariga Afrika (EAC)

5.Xasan Axmed Ibraahin (Embassy) Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka.

Waxaan uga mahadcelinayaa muddadii uu hayey xilka Qaranka Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Maraykanka Mudane, Rashiid Maxamed Nuur (Gaaruf).” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here