Xubnahan Waxaa Ku Jira Maareeyihii Hore Ee Dekedda Berbera Oo Loo Magacaabay Hanti-dhawraha Guud Ee Qaranka
Agaasimeyaasha Wasaaradaha Caafimaadka, Gaadiidka & Isgaadhsiinta+Magaca Wasaaradii Dib U Dejinta Oo Loo Bedelay Hay’ad Dawli Ah
Hargeysa, (Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay magacaabay hormadii u horreysay ee agaasimeyaasha guud iyo maareeyayaasha hay’adaha xukuumaddiisa kuwaas oo qaarkood ka mid ahaayeen dawladdii hore ee madaxweyne Siilaanyo. Warsaxaafadeed shalay galabnimadii kasoo baxay qasirga madaxtooyada ayaa lagu shaaciyey magacaabista lix masuul oo uu isugu jira agaasimeyaal guud, maareeyeyaal. Waxaana warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-15/012018 ku magacaabay, masuuliyiintan.
Madaxweynuhu:
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafaha (b), (kh) iyo (sh);
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda Shaqo;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey: In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:
- Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaahsiinta iyo Tignoolajiyadda.
- Axmed Yuusuf Dirir Maxamed- Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka.
- Maxamed Cabdi Xergeeye Faarax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka.
- umar -sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.
- Faysal Cali Sheekh Maxamed Cabdi Guddoomiyaha Hay’ ada U-diyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashiinka Qaranka.
- Cabdikariim Axmed Maxamed Faarax Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland