Madaxweyne OBAMA Oo Booqda Goobtii Ugu Horreysay Caalamka Ee Hubka Wax Gumaada Lagu Dhuftay

0
64

Obama Oo Ubax Dhigay Goob Loo Asteeyey Xasuuq Maraykanku Ka Geystay Hiroshima 1945

Hiroshima (Hubaal):- Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, ayaa gaadhay magaalada Hiroshima ee dalka Japan, waxaanu noqonayaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah ee booqda goobtii ugu horreysay caalamka ee lagu dhuftay Hubka wax gumaada ee Atoomigga.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, ayaa noqday Madaxweynihii ugu horreeyey ee booqda Hiroshima. Obama iyo Ra’iisul-wasaaraha Japan Shinzo Abe, ayaa Ubax dhigay goobta xusuusta nabadda ee magaaladaas oo ah goobta loo asteeyey xusuusta Xasuuqii Maraykanku magaaladaas ka geystay 1945-kii oo uu Hubka halista ah ku garaacay Maraykanku.Madaxweyne-OBAMA-OO-UBAX-DHIGAYA-GOOBTA-XASUUQA-HIROSHIMA-27-May-2016

Madaxweyne Barack Obama, goobtan uu Ubaxa dhigay, ayaa si gaar ah loogu asteeyay in lagu xasuusto 140, 000 oo qof oo u dhintay sababo la xidhiidh duqeyntaasi Mareykanka ee sannadkii 1945. Dad kale oo tiro ahaan gaaraya 70, 000 ayaa lagu dilay duqeyn kale oo hubka niyuukleerka loo adeegsaday oo saddex maalmood kaddib lagu qaaday magaalada Nagasaki. Saacado ka hor intaanu iman magaaladaas, ayaa Obama waxa uu saldhigga diyaradaha ee Iwakuni, ee aan ka fogeyn Hiroshima, kula kulmay Ciidammada Mareykanka iyo Japan, isaga oo u sheegay in booqashadiisa ay tahay fursad lagu sharfayo dhammaaan dadkii lagu waayey dagaalkii labaad ee Adduunka. Madaxweyne Obama waxa uu sheegay in tani ay astaan u tahay in xittaa waxyaabaha ugu xanuunka badan ee dadka kala qeybiya laga gudbi karo, iyo sida labadan dal ay u noqdeen saaxiibo aad isugu wanaagsan. Hase-yeeshee, Madaxweyne Barack Obama wax raalli-gelin ah kama bixin duqeymahaasi, isagoo horena u diiday raalli-gelin inuu ka bixyo, basle waxa uu hore u sheegay in uu rajeynayo in xusuusta duqeymahaasi ay dunida ka caawin doonto in mustaqbalka la yareeyo dagaal la isu adeegsada hubka Niyuukleerka. Go’aanka lagu duqeeyey magaalada Hiroshima ee waddanka Japan, waxaa gaadhay Madaxweynihii Maraykanka hoggaaminayey 1945-kii Mr. Harry Truman, kaasoo lagu Duqeeyey Hubka wax gumaada, isla markaana Bamka markii lagu dhuftay Hiroshima, ay halkaas ku dhinteen dad lagu sheegay 80,000 (siddeetan kun) oo qof oo reer Japan ah, isla markaana ay magaaladaasi baabbaday ama burburtay sagaashan boqolkiiba (90%).

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here