“Muuse Maaha Nin Cusub Ee Waa La Garanayaa, Aqoonna Waanu Isku Leennahay Ee Waxaan Kula Dardaarmayaa Uun Inuu Ka Dhabeey Ballanka Uu Qaaday”
France (Hubaal) – Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaanuu ILAAHAY uga beryey inuu ku asturo xilka loo doortay, isaga oo kula dardaarmay inuu ka shaqeeyo mid nimada shacabka Somaliland. Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo la soo xidhiidhay Telefishanka Horn Cable, ayaa waxa uu sidoo kale shacabka Somaliland ku bogaadiyey sidii ay uga qayb qaateen doorashadii dalka ka dhacday, waxaanuu dhinaca kale bogaadiyey murashxii madaxweynaha ee xisbiga waddani Cabdiraxmaan Cirro sidii uu u aqbalay natiijadii doorashada. “Marka ugu horreysa waan idin salaamayaa, marka xigta waxaan leeyahay shacbiga reer Somaliland doorashadii nabada ku qabsoontay waan kuhambalyaynayaa”. Sidaas ayuu yidhi Md. Daahir Rayaalle Kaahin oo intaasi ku daray “ Madaxweynaha cusub ee la doortayna waxaan ku hambalyaynayaa xilka loo doortay Illaahayna ha ku asturo ayaan leeyahay xilkaasi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyihii xisbiga ee murrashaxa WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ee isaguna tanaasulka sameeyey waan ku hambalyaynayaa, guud ahaanna reer Somaliland waxaan u rejaynayaa horumar iyo wada jir iyo walaaltinnimo dalka lagu celiyo. Madaxweynaha la doortay waan dhegeystay in uu yidhi kii idoortay iyo kii aan I doortayba way ii siman yihiin taas ayaan rejaynayaa inay midnimada keenayso, waxaannan madaxweynaha cusub kula dardaarmayaa midnimadaas iyo isu keenistaas ummada mid isaga u taallo weeye ee illaahay ha kugu asturo oo ha ku garab galo isaguna [Madaxweynaha cusub] ha ka dhabeey ballankaas uu qaaday hadduu illaahay yidhaahdo”. Ayuu yidhi Md. Rayaalle, gebogabadii Daahir la weydiiyey waxa uu ka yaqaanno iyo aqoonta uu u leeyahay Madaxweynaha cusub ee Somaliland waxaa uu yidhi “Muuse maaha nin cusub ee waa la garanayaa dalkana waanagii soo wadnay ee aanu xisbiyada ahayn aqoonna waanu isku leennahay ee maanta wax dhib ah oo taallaa ma jirtee waan hambalyaynayaa”. Ayuu yidhi Md. Daahir Rayaalle Kaahin, Madaxweynihii hore ee JSL Md. Daahir Rayaalle Kaahin