Madaxweyne Saylici Oo Shan Qoddob U Cuskaday Dad Uu Sheegay In Ay Amaannada Dawladdu Leedahay Isa Siiyeen

0
27

Somalidu Waxay Ku Maahmaahdaa Ammaano Kugu Raagtay Yadaa- baa La Moodaa….. Meel Kasta Oo Ay Joogaan reer Somaliland WAxan Leeyahay Dhulka Aad Oodateen Ummada Kama Lihidin, Dawladduna”

 Hargeysa (Hubaal)-Xuska Maalinta Deegaanka Aduunka oo Jimcihii ku beegneyd oo Axadii shalay dib riixay xuska maalintaasi, ayaa si weyn looga Xusay dhammaan goboladda iyo degmooyinka kala duwan ee deegaanadda Somaliland.  sayliciMunaasibad si weyn loo soo agaasimay oo loogu dabaal degaayey Xuska maalinta deegaanka Aduunka ee Somaliland ayaa shalay lagu qabtay magaaladda Hargeysa, taasi oo ay isku soo dubo riday Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta deegaanka ee Somaliland , taasi oo uu ka qeybgalay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland md Cabdiraxmaan Ismaaciil (Seylici), masuuliyiinta wasaaradda horumarinta deegaanka oo ay hormuud ka aheyd Wasiirka Deeegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, Wasiiradda Qorsheynta Qarank ,Xidhiidhka golayaasha, Ganacsiga, Beeraha,, Wasiir ku . xigeenadda Warfaafhinta, Ciyaaraha, Qorsheynta Qarank, Macdanta, wakiilo ka tirsan hay’addaha Caalamiga ah, masuuliyiin kale oo tiro badan, fanaaniinta qaranka iyo kooxaha hidaha dhaqanka. Wasiir ku xigeenka Deeegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Prof Axmed Maxamed Cismaan oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Maanta waa meelintii deegaanka Aduunka oo Somaliland-na ka qeybaadaneyso, , marka wasaaradda deegaankuna si xoog ah ayey uga qeyb qaadatay waxaana ilaa hadeertana goboladda dalka loo kala qeybinaayey nooc kasta oo Dhirta la beero ah, kuwaasi oo wasaaraddu gaadhsiisay min Lawyo-caddo ilaa dhinaca deegaanadda bariga min Ceelaayo ilaa Laasqoray, marka waxaanu aad ugu mahadcelinaa cid kasta oo arintaasi ka qeybqaadatay oo shaqaalaha wasaaradda deegaanku ugu horeeyo”. Wasiirka Deeegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo iyaduna halkaasi ka hadashay waxay ku dheeraatay ahmiyada ay leedahay xuska maalinta deegaanka aduunka ee shalay Somaliland laga xusay waxaanu yidhi “ Waxaanu soo saarnay 2010.000 (Laba Boqol Iyo Toban Kun ) oo Geed oo yar yar kuwaasi oo wax badan iskugu jira, runtiina iskama yimaadeen dhirtaasiiye waxa xooga saaray shaqaalaha wasaaradda Ilaahay Khayr ha siiye oo habeen iyo maali u soo jeeday iyaga iyo maamulka la shaqeeya ee madaxda u ah dhirta iyagana waanu u mahadcelinaynaa runtii, waxaana xusid mudan sidii aanu idiin sheegnay in sannadka dambe in aanu runtii Shaqaalaha Rurser-iyada gobol kasta aanu ka sameyn doono si uu gobol kastaaba isku filaasho u gaadho waayo dhibaatadu waxay noqotay in intaasi oo baabuur ilaa 13 gobol iyo degmooyin iyo goboladda cusub aanu u raraynay baabuurta iyo shaqaalaha iyo hawsha waad yaabeysaan, waxaan u mahadcelinayaa ha’addaha isku taxalujiyey inay gacan naga siiyaan arintan oo hay’adda UNDB ee qaramadda Midoobay si aad ah ayaanu ugu mahadcelinaynaa oo si weyn ayey noo gacan qabatay, Sanduuqa Horumarinta Somaliland iyaga hadalkoodaba iskadaa waayo inta badan Dhirta dalka loo kala diraayo iyaga ayaa lahaa waxa iyaguna ku xiga Faw,Candalight, Bisha Cas, Aado, Benha, World-vission, Worldrelief, Ogexvom iyo qaar kale oo tiro badan oo ma soo koobi karaayo runtii” Madaxweyne ku xigeenka Somaliland md Cabdiraxmaan Ismaaciil (Seylici) oo halkaasi Khudbad ka jeediyey isla markaana ugu dambeyntii isagu soo xidhay munaasibadaasi lagu xusaayey maalinta deegaanka aduunka ee Somaliland-na u debaal degtay waxa uu yidhi “Waxa maanta farxad weyn ii ah xuska maalinta deegaanka aduunka oo Jimcihii aheyd balse aynu inagu Axada ka dhiganay oo doorsoonka cimiladda waxanu ku qeexi karnaa waa cilmi la xidhiidha isbedelka xliyadda aduunka ee kala duwan iyo waxyaabaha loo maleynaayo inay sababeen kala duwanaashahoodu hadii ay si dabeeciya u dhacaan iyo hadii ay ka dhashaan dhaq dhaqaaqa iyo waxyeelada bani’aadamka oo waayahan dambe waxyaabaha cimilada aduunka ku soo kordhay dhibaatooyin degaan oo baaxad leh qaadh dhaqaale iyo qaar bulshaba oo door soonka cilmiladu in kasta oo uu si dabiici ah u dhici karo, sida raadka ka dhasha fulkaanaha waxa saan saankiisa sii adkeeya ama sii murgiya dhaq dhaqaaqa aadamaha”  Cabdiraxmaan Ismaaciil (Seylici) oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Hadii aynu hadaba u soo noqono saameynta badan ee uu ku yeeshay Somalialnd raadeynta ugu badan ee doorsoonka Cimiladda waxa ka mid ah Abaaraha soo noq noqda iyo cimilada oo isbedesha , waxa kale oo aynu metel u soo qaadaneyna maantadan aynu joogno gugeenii bilaabmi jiray dabayaaqanadda Bisha 3aad ee sannad kasta ee la odhan jiray   Diraacda ee di’ijiray April iyo May sida aad la socotaan inta roobkii la waayey ayaa inaga oo Xagaa aynu joogno waxay gaadhay Bishii June oo ilaa hada roob ka da’in , isbedelada aynu soo sheegnay ayaanay keentay taasi”

Mudane Cabdiraxmaan Seylici oo ka hadlaayey guddi 12 xubnood Wasiiro ka kooban oo Xukuumaddu u saartay daryeelka iyo sabato bixinta deegaanka Somaliland iyo inay dawladdu wacwaxa uu yidhi  “Xukuumadda Somaliland waxay qaaday talaabooyin ku haboon iyada oo ka duuleysa siyaasadda ku aadan Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada aduunka waxaanay si loo yareeyo qaaday talaabooyin badan kuwaasi oo lagu daryeelaayo deegaanka, kuwaasi oo qodobka 1aad yahay:

  1. R aadinta iyo dhiirigelinta tamaro kala duwan oo lagu bedeli karo dhuxusha
  2. ka hortaga xaalufka iyo dhir jarista oo aan hado runtii loo dulqaadan doonin dhulka hada sida sharci darada ah loo ootay qodobkaas runtii oo aan aad isku dultaagayo waxa weeyaan dhulkii umadda ka dhexeeyey waynu og nahay inay in gaar ahi qaadatay, Somalidu waxay ku maahmaahdaa Ammaano kugu raagtay yadaa baa la moodaa,
  3. Umadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba dhulka aad oodateen umadda kama lihidin loo mana dulqaadanaayo maanta laga bilaabo waxaana loo xilsaaray 12 wasaaraddood oo iska kaashanaaya wadda kasta iyo dhaqaale kasta oo ay nagu qaadaneyso waxaanu ka bilaabeynaa Olole balaadhan oo lagu baabi’inaayo in aanay jiri doonin cid dhul gaar ah oodan doontaa.
  4. Dib u habeynta sharciga iyo duur joogta,
  5. Soo saarista siyaasadda deegaanka lagu maamulaayo iyada oo sidii la sheegay umaddii tarmeyso oo kordheyso ,

Sidaasi darteed waxa loo baahanayaa siyaasad lagu maamulo deegaanka, mashruuca SDF-ka qeyb badan ayaa loo duwayaa oo la gelinayaa deegaanka oo ugu dambeyntiina waxa la sameyn doona wacyi-gelin balaadhan oo ay iska kaashan doonaan labada wasaaraddood ee Deegaanka iyo Warfaafinta”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here