Madaxweyne Siilaanyo Ayaa Ka Tacsiyadeeyey Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii Iyo Shacbiga Somaliland Ee Uu Ka Baxay Alle Ha U Naxariistee Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Cumar

0
73

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa-(Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo kan shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Cumar oo ku geeriyooday 30/07/2016 Magaalada Hargeysa.Madaxweyne-Siilaanyo

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay Aqoonyahan ka baxay qaranka iyo Shacbiga Somaliland, door muhiimana ka qaatay marxaladihii kala duwanaa ee dalku soo maray, isagoo in badan kasoo hawlgelay Hay’ada WFP oo uu wadamo kala gedisan uga soo shaqeeyey mudooyinkii u dambeeyeyna shaqadaasi uga fasax qaatay sidii uu shacbigiisa iyo dalkiisa uga faa’iidayn lahaa khibrada waayo aragnimo ee uu ka soo dhaxlay wadamada kala duwan ee uu ka soo shaqeeyey.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiinka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka,  Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)

      Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here